Kooxda Qurbajoogta Somaliweek oo ku barbaratey kooxda Jaaliyada Soomaalida Dubai

Wednesday December 08, 2010 - 19:55:54
0 Comments
1660
Super Admin
''Shab ku sii shalalax ku sii ayaa ka dhacdey magaalada Dubai''

Waxaa ciyaar aad u xiisa badneyd oo kubadda cagta ah ku dhaxmartey magaalada Dubai kooxda Qurbajoogta Somaliweek iyo kooxda Jaaliyada Soomaalida magaalada Dubai, ciyaartaas oo ay aad ula dhaceen dadkii uu soo daawasho tagey ayaa waxaa si xarago leh ugu guulaystey kooxda Somali Week Diaspora, ciyaartiina waxay ku soo dhamaatey 5 Goal iyo 1 Goal.

Kooxda Somali Week Diaspora ayaa waxay wataan ciyaaryahano xul ah oo laga soo xulay kooxaha ka dhisan magaalooyinka ay degan yihiin Soomaalida dalkaan UK, gaar ahaan magaalooyinka London,Liecester,Bristol, Berminghamiyo Manchester, halka kooxda jaaliyada Dubai iyagana aad moodo inaysan waxbo soo reebanin balse loogu awood sheegtey magaaladooda.

Kooxda Somali Week Diaspora ayaa ciyaaro saaxiibtinimo kale la dheeli doona asbuucaan dhaxdiisa kooxo ka dhisan magaalooyinkaCujmaan iyo Abudhabi, inta aysan dib ugu soo laaban magaalada London.

Wixii warar ah oo ku saabsan kulamada cayaaraha soo socda ka filo qormooyinka dambe hadii Eebe idmo.



W/D: Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London

Related Items


Leave a comment