Bosaso: Labo ka mid ah fuliyayasha dilalka qorshaysan ee Bosaso oo lagu dilay mid ka mid ah bosaso

Thursday December 09, 2010 - 11:06:32
0 Comments
1007
Super Admin
Labo ka mid ah fuliyayasha dilalka qorshaysan ee Bosaso oo lagu dilay mid ka mid ah bosaso mid kalena la dhawacay
Shalay Barqadii ayaa ciidanka Boliska magaalada Bossaso waxaa ay ku toogteen xaafadda Biyo kulule mid ka mid ah labo nin oo saakadii hore ku dhaawac uu dhintay ugu geeystay mid kamid ah shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda xafiiskeeda Bossaso oo lagu magcaabi jiray alla haw naxaristee Cali Cismaan Buux, kaddibna ka baxsaday goobta.

Nasiib wanaag waxaa goobta toogashadu ka dhacday ka dhowaa ciidanka Boliska Bossaso oo markiiba cayrsaday dembiilayaashii halkaana waxa ay ku toogteen mid kamid ahaa ragii bastooladaha ku hubaysnaa ee lagu tuhmayey in ay dilka u geysteen marxuumka Buux, sidoo kele ciidanku waxa ay dhaawac culus u geeysteen ninkii kale ee la socday ninka la toogtay oo hadda la daweeynayo cisbitaalka guud ee magaalada Bossaso.

waaa markii ugu horreeysay ee ciidanka Boliiska Puntland ay baacsadaan oo soo qabtaan amase ay dilaan rag looga shakiyey dilal noocaas oo kale ah, waxaana inta badan ka dhaca magaalada Bossaso dilal qorsheeysan oo lagula kaco saraakiisha laamaha Amaaanka iyo dadka wax garadka ah oo ay fuliyaan inta badan rag ku hubaysaan bastoolado oo marka ay dilka geeystaan goobta ka baxsada.

Related Items


Leave a comment