USA: Maraykanka ayaa ku fashilmay Joojinta dhismayasha Isreal ee Qaza

Thursday December 09, 2010 - 11:26:52
0 Comments
1405
Super Admin
Maraykanka ayaa ku fashilmay Joojinta dhismayasha Isreal ay ka wado dhulka falastiniinta ee Qaza

Madaxweynaha maamulka filistiin Maxamuud Cabaas oo maalintii shaley shir jar’aaid ku qabtay magaalada Athena kadib kulan uu la yeeshay ra’iisal wasaaraha Giriiga George Baabaan Di Riyoo ayaa ka codsaday midowga Yurub in uu ka qeyb qaato howlaha nabadeenta filistiiniyiinta iyo israa’iliyiinta maadaama dowladda mareykanka ay shaaca ka qaaday in ay ku qanciso Israel in ay joojiso dhistaanka guryaha sharci darada ah.

Cabbaas waxa uu intaas ku daray in sidoo kale arrintaan uu u bandhigi doono guddiga la socodka jaamacadda carabta iyo hogaanka filistiiniyiinta ee matalaya guddiga fulinta ee ururka xoreynta filistiin marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan PLO.

Madaxweyne Cabbaas waxa uu ka dhawaajaiyey in xukuumadda Israel ay ka dooratay nabadda iyo wadahadlada dhistaanka guryaha sharci darada ah.

Cabaas waxa uu ku nuuxnuuxsaday in uu filayo in uu filayo in xukuumadda mareykanka ay qaadato talaabo ay ku aqoonsanayso dowlad filistiin leedahay oo kajirta dhulkii ay Israel xooga ku qabsatay sanaddii 1967, taasi oo jawaab u noqonaysa madax adeega xukuumadda Yuhuuda.

Talaabadan ayaa ku soo beegamaysa xilli maalintii shaley uu sheegay afhayeenka aqalka cad ninka lagu magacaabo Philippe Crowley in dowladda mareykanka ay hadda ku fashilantay in ay ku qanciso xukuumadda Israel in ay joojiso dhisitaanka guryaha sharci darada ay ka wado daantagalbeed ee dhulka filistiin.

Dhanka kale wasiirka gaashaandhiga Israel Yuhuud Brack ayaa sheegay in wadahadaladii Israel iyo mareykanka dib loo dhigay sababo ku aadan mashquulka dowladda mareykanka warbixinada wikileaks iyo arrimaha kuuriyada woqooyi.

Related Items


Leave a comment