Burtinle: Gudiga joogtada ee Goloaha Deegaanka Burtinle "SAWIRO BADAN"

Thursday December 09, 2010 - 17:17:55
0 Comments
3047
Super Admin

Xildhibaanada Golaha Deegaanka Dagmada Burtinle ayaa Mudooyinki dambe ku howlanaa sidii ay u soo dhisi lahaayee Godiga Joogtadaa ee dagmada. Waxaa maanta lagu guulaystay in la magacabo gudiga oo ka kooban 7 xubnood oo noqonaya Gudiga joogtaa ee Dagmada.

Waxaa ka soo qayb galay Munaasabadaan Xildhibano ka tirsan Maamulka Puntland, Gudomiye K/Xigeenka Gobolka Nugaal iyo madax kale oo ay kamid ahaayeenGudomiye K/xigeenka kowaad ee Gobolka Nugaal C/raxman Ciise Bariir,Xildhibaan Bashiir Cadooye Cumar Dhagad iyoXildhibaan C/laahi Maxamed Jaamac.

Shirka oo ka dhacay Xarunta Dagmada Burtinle ayaa waxaa soo xaadiray inta badan Xildhibanada dagmada, waxaana sidoo kale madasha joogay Gudoomiyaha Dagmada burtinle Mudane Axmed Khaliif faarax, K/xigeenka Dagmada Mudane Cali Geele Maxamediyo Mudanayaal kale oo ka tirsan maamulka iyo kuwa gobolka Nugaal. Waxaa sodoo kale goob joog ahaa qaybaha kala duwan ee Bulshada Reer Burtinle oo kana soo qaybgalay Xaflada Doorashada gudiga Joogatda.

Bilowgii Bishii la soo dhafay ee November ayaa waxaa shir ay wax ka bilaabeen Xildhibanada iyo G/kuxigeenka Gobolka Nugaal waxaa uu ka furmay Dagmada kaas oo looga Tashanayey qorshayta iyo qaab dhismeeedka Goloaha joogtada ee dagmada Burtinle. Waxaan howshaan loo xilsaray Xildhibanada golaha deegaanka inay iska soo dhex xulaan 7 xubnood oo joogtaa kuwaas oo qaban doono howlaha dagmada Burtinle si toos ahna u joogteeya wada tashiga iyo hormarka Bulshada Burtinle.

Gudiga Iyo Xilalka Loo kala magacabay:

1 C/Rashiid Xuseen Xasan Isle'eg: Madaxa anshaxa iyo arimaha golaha

2 Ciiro Muuse Xaad: MadaxaMaaliyada iyo hantida dowlada

3 Saacid Cumar xuseen: Madaxa gudiga amniga

4 Maxamed C/casiis faaraxgaada keen: Madaxa howlaha guud

5 Xaafid C/risaaq axmed: Madaxa gudiga kormeerka

6 Maxamed Axmed deeq: Madaxa arimaha bulshada

7 AxmedXasan Axmed dabshid:Madaxa qorshaynta iyo xiriirkaCaalamigaa

Waxaa madasha doorashada hadalo waano iyo talooyin ka soo jeediyey Xildhibaan C/laahi Maxamed Jaamac asaga oo la dardaarmay Gudiga una tilmaamay hormarka Dagmada ay ubaahan tahay inuu ku xiran yahay sida u gutaan shaqadooda Dagmada, waxa uuna sheegay in ay Dhan kasta ka taageeri doonaan Dagmada.

HOOS KA DAAWO SAWIRAD



Related Items


Leave a comment