Bosaso: Taliyihi Saldhiga Baalade ee xaafada New-bosaso oo xalay u geeryooday Qarax banbaano oo lala beegsaday

Friday December 10, 2010 - 09:52:42
0 Comments
1244
Super Admin
Taliyihi Saldhiga Baalade Xuseen Cali dheere ee xaafada New-bosaso Magalada Bosaso oo xalay u geeryooday Qarax banbaano oo lala beegsaday asaga iyo kulunyo ciidana abaarihii salada maqrib taliyaha ilaa 2 mid ka mid ah uu yahay darawalkiisii ayaa ku geeryooday Bam lagula beegsaday Magalada Bosaso gaar ahaan Agagaarka Saldhiga oo ku yaal Xaafda New bosaso

Ciidamada booliska ayaa rasaas badan ku furay goobta uu qaraxu ka dhacay iyadoo baaritaano xoogana goobtaasi ay ka sameeyeen ciidamada booliska ayada oo ilaa hada ay socoto baaritanada ayna ciidamado guri guri u baarayaan xaafadaha ku teedsan agagaarka qaraxu ka dhacay ee New bosaso.

Qaraxa ayaa loo maleynayaa inuu ahaa miino wadada dhinaceeda lagu aasay taasoo lala eegtay gaariga ciidanka booliska oo marayey waqti lag jiray salaada maqrib, waxaana tan iyo xalay magalada laga maqlayey rasaas ay ridayaan ciidamada .

Waxaana qaraxan uu ku soo beegmayaa xilli sadexdii maalmood ee la soo dhaafay gudaha magaalada Boosaaso ay ka socdeen hawlgalo baaritaano ah oo ay wadeen booliska laguna qabqabtay dad fara badan ayada oo laga qabqabnayey dadka wadooyinka Xaafadaha iyo goobaha kale .

Xaalada magaalada ayaa degan Maanta inkastoo hawlgalada booliska ay weli ka jiraan qeybo badan oo ka mid ah magaalada Boosaaso ciidamaduna ay wali baaritaano wadaan kuwaas oo ay ku raadinayaa cid kasta oo ay uga shakeyaan in ay amina wax u dhimayaan .

Related Items


Leave a comment