Galkacyo: Airport Galkacyo oo ay soo gaareen Kooxdaha Koobka Kubada Cagta

Saturday December 11, 2010 - 20:26:17
0 Comments
2011
Super Admin
Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo waxaa ka soo dagay ciyaaryahanada kubada cagta ee gobolada Shabeelaha Hoose, Bakool iyo Jubadda Hoose, kuwaasi oo ka qeybgeli doona koobka kubada cagta ee ka ka bilaanban doona magaalada Garowe ee caasimada Puntland maalmaha nagu soo aadan .
Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo soo gaarey ciyaaryahanada kubada cagta ee gobolada Shabeelaha Hoose, Bakool iyo Jubadda Hoose, kuwaasi oo ka qeybgeli doona koobka kubada cagta ee ka dhici doona magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Xulalka kubada cagta ee gobolada Jubadda Hoose, Shabeelaha Hoose iyo Bakool ayaa ah xulalkii ugu horeeyay ee soo gaara magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland kuwaasi oo ka qeybgalaya tartanka kubada cagta ee gobolada Soomaaliya, kaasi oo 15-ka bishan ka dhici doona magaalada Garowe.

Gudoomiye xigeenka Xiriirka kubada cagta ee Soomaaliya C/rashiid Xasan Xirsi iyo ciyaartooyda gobolka Mudug gaar ahaan kooxda Comsed ayaa ciyaaryahanada ku soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, waxaana Gudoomiye xigeenku sheegay in ciyaartoydani ay ka socdaan saddex gobolka, goboladaasi oo kale ah Shabeelaha Hoose, Bakool iyo Jubadda Hoose, isagoo intaa ku daray in ay jiraan ciyaartooy ka soo tagtey gobolada Hiiraan, Galguduud iyo Shabeelaha Dhexe kuwaasi oo ku soo safrey dhulka lana sugayo saacadaha soo socda in ay soo gaaraan magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiye xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan ciyaartooy ka socota saddex gobol, kuwaasi oo la filayo in maalinta berito ah ay soo gaaraan magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo ka kala socda gobolada Baay, Banaadir iyo Gedo.

Ciyaartooydii maanta ka soo degtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay durbadiiba u sii gudbeen dhinaca magaalada Garowe ee caasimada Puntland halkaasi oo ay 15-ka bishan December kaga qeybgeli doonaan tartanka kubada cagta ee ka dhacaya magaalada Garowe

Related Items


Leave a comment