Mogdisho: Dagaalo iyo Duqaymo culus oo ka dhacay dagmoyinka ka tirsan G/Banadir

Sunday December 12, 2010 - 10:01:50
0 Comments
942
Super Admin
Dagaal iyo duqeymo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac una dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kaa shanaya kuwa AMISOM iyo Xarkada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.
Kadib dagaalo iyo duqeymo culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab uu ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa dagaalkasi waxaa uu gaystay qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

Dagaalka ayaa waxaa uu bilaawday kadib markii sida la sheegay ciidamo ka tirsan Xarakada AL Shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen Fariisimo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM ay ku leeyihiin degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Inta la’ogyahay dagalka ayaa waxaa ku geeriyooday 2-qof halka tiro inaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo aan la ogayn xaaladooda, waxaana dadkii ku dhawacmay dagaaladaasi la gaarsiiyay Isbitaalada magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalka Madiina.

Dagaalada iyo duqeymaha oo is bar bar socday ayaa waxaa ay xoogooda ka dhaceen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir, kaasi oo aan la ogayn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Majaro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada ku dagaalamay magaalada Muqdisho hase ahaatee dagaalkaa xalay ayaa waxaa uu qeyb ka yahay dagaalada iyo duqeymaha inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho kaasi oo ay qasaaraha ugu badan kasoo gaarto shacabka ku dhaqan degmooyinka lagu dagaalamayo.

Related Items


Leave a comment