Mogdisho: Wafti uu hogaminayo Raisalwasare Maxamed C/laahi oo u dhoofay Jabuuti

Sunday December 12, 2010 - 19:38:17
0 Comments
1665
Super Admin
Wafti uu hogaminayo Raisalwasare Maxamed C/laahi Farmaajo oo ay ka mid yihiin Golaha xukumada Cusub ayaa u kicimtimay Wadanka jabuuti isla maantana gaaray ka hor inta aysan ka duulin Barqadii maanta Airporka Aadan Cade International Airpot ayaa war baahinta waxaa lahadlay Afhayeenka Xukumada
Socdaalka RW Farmaajo iyo wafdigiisa ay ugu ambabaxeen dalka Jabuuti ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey afhayeenka xukuumada Soomaalia Cabdi Xaaji Goobdoon oo sheegay inuu socdaalkoodu uu la xiriiro casuumad rasmi ah oo ay ka heleen dowlada Jabuuti.

Goob-doon ayaa intaa ku daray in socdaalka RW Farmaajo iyo wafdigiisa uu qaadan doono muddo 2 maalin ah ayna wadahadalo ku aadan xaalada Somalia iyo xiriirka labada dowladood la yeelan doonaan inta ay joogaan dalkaasi masuuliyiin sare oo ka tirsan dowlada Jabuuti oo uu ka mid yahay madaxwene Ismaaciil Cumar Geelle.

Wafdiga ra'isul wasaare Farmaajo ayaa waxaa ka mid ahaa Ku-xigeenka raisul wasaaraha ahna wasiirka arrimaha dibeda Maxamed C/llaahi Oomaar, wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada iyo Baarlamanka Somalia, waana markii ugu horeysay ee RW Farmaajo uu socdaal dibeda ah ugu ambabaxo dalka tan iyo intii loo magacaabay xilkaasi.


Related Items


Leave a comment