Ceelbuur: Ciidamada Xarakada Shabaab oo xukun dila Fuliyey

Monday December 13, 2010 - 20:23:14
1 Comments
987
Super Admin
Ciidamada Xarakada Shabaab ee gobolka Galgaduud ayaa xukun dil ah ku fuliyey nin ay ku sheegeen in uu basaas u yahay Dowlada horena ugu ahaa Askari

Dadweyne aa u badan ayaa ka soo qeybgalay xukunka dilka ah ee galabta lagu fuliyay Magaalada Celbuur ee Goblka Galgaduud kuwaasoo daawanayay qaabka xukunkaasi u dhacayo.

Qaaliga Galgaduud Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Ku tukade,Qaaliga Maxkamada iyo Xubno kale oo ka tirsan Alshbaab ayaa ka wada hadleen fagaarihii xukunka uu ka dhacay waxayna si isku mid ah wada sharaxeen xukunka dilka ah ee dhacay inuu yahay mid ka mid ah xuuda Alle ee shareecado baneystay in qofka hadii uu ku dhac la dili karo.

"qofka la dilay wuxuu ku dhacay danbiga ridada oo wuxuu ka baxay diintiisii Islaamka ahayd isagoo galay diimo kale waxaana uu ka tirsanaa kooxda ridada ee ka dagaalanta Muqdisho" ayuu yiri Qaaliga Maxkamada .

Xukumad ay fuliyaan Shabaab ayaa ka ahayn mid cusub Gobolka galgaduud waxaan jiray xukumo hore oo ay ka fuliyeen Xarakada Shabab ee gobolka Galgaduud

Related Items

Comments


Leave a comment