Addis-Ababa: Raisalwasare Farmajo ayaa kulan la qaatay Raisal wasare Zanawi iyo Madaxwayne yal wadamo kale

Wednesday December 15, 2010 - 11:17:03
0 Comments
1104
Super Admin
Addis-Ababa: Raisalwasare Farmajo ayaa kulan la qaatay Raisal wasare Zanawi Madaxwayaha Dalka Sudan Cumar Xassan Albashiir Madaxwaynaha Rwanda iyo madax kale oo ku jirta Ururka Midowga Africa

Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliya Ahna R/wasaare xigeen Mudane Maxamed C/llahi Oomaar ayaa caawa Radio Muqdisho u sheegay In R/wasaaraha iyo Wafdiga la socday ay kulamo la yeesheen qaar ka mid ah madaxdii ka soo qayb gashay Shirka ka socda dalka Addis Ababa .

wuxuuna sheegay in ay la kulmeen Raisal wasaaraha Ethopia, madaxweynaha Dalka Suudaan, madaxweynaha Rwanda iyo madax kale oo ka tisan Midowga Africa

Kulamada ayaa waxaa looga hadlay xiriirka u dhaxeeya Somaliya iyo wadamada kale, Waxaana sidoo kale jira ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibadda Kulamo kale oo ay la yeelan doonaan masuuliyiin kale.

Shirkaan ayaa waxa looga hadlayaa hanaanka Federaalka wadamada ku dhaqma,Waxaana Soomaliya uga qayb galaya Wafdi Ballaaran oo uu hogaaminaayo R/wasaaraha Somaliya

Related Items


Leave a comment