Mogdisho: Dagaalo Xooganoo Waqooyiga Muqdisho ka dhacay Xalay

Thursday December 16, 2010 - 10:47:25
0 Comments
838
Super Admin
Dagaalo Xooganoo Waqooyiga Muqdisho ka dhacay Xalay kuwaas oo aan la xaqiijin karin khasaarah dhabtaa

Dagaaladaan ayaa waxa ay u dhaxeeyeen ciidamada AMISOM iyo xoogaga xarakada Al-Shabaab oo iyagu isaga soo horjeeda magaalada Muqdisho, waxa ayna dagaaladaan ka danbeeyeen ka dib markii xoogaga xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamada AMISOM.

Dagaalada ayaa waxa ay ka dhaceen degmada Hodan ee magaalada Muqdisho oo ay mudooyinkaanba ku dagaalameen Ciidamada AMISOM iyo waliba xoogaga Al-SHabaab.

Dadka goob joogayaashaa ayaa sheegaya in dagaalka leesku adeegsanayay madaafiic xoogan iyo waliba qoryaha daran dooriga u dhaca, waxa ayna dagaaladaan dhacayeen xili ay dad magaalada ay hurdayeen.

Wali lama oga inta uu la egyahay khasaaraha uu geestay dagaalka xoogan ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho madaama xili ay dagaalada ay dhacayeen ay ahayd xili habeen ah isla markaana magaalada ay tahay mid anan la socon habeenkii.

Sidoo kale majirto wax war ah oo ka soo baxay saraakisha laba dhinac oo ku aadan dagaalada dagaalada xoogan ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Related Items


Leave a comment