Kenya: Baarlamanka Kenya oo diyarinaya Mooshin ka soo horjeeda Maxkamada Dambiyada Dagaalka

Friday December 17, 2010 - 17:04:40
0 Comments
1310
Super Admin
Baarlamanka Kenya oo diyarinaya Mooshin ka soo horjeeda Maxkamada Dambiyada Dagaalka ka dib markii ay maxkamadu soo saartay Document ay eedayn ugu hayso Mudanyaal ka tirsan Kenya kuwaas oo ku luglahaasho xasuuqii maxkamadu ku eedaysay

Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka dalka Kenya oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee tacliinta sare ee Kenya, isla markaana ka mid ah shan sarkaal oo ay Maxkamada ICC soo eedeysay Mr, William Ruto ayaa ka mid ahaa tiro Xildhibaano ah oo soo jeediyey in Dawladda Kenya ay si toos ah uga baxdo guud ahaan heshiiskii ay la gaartey Maxkamada dembiyada dagaalka ee fadhigeedu yahay Heg.

Arintani ayaa Baarlamaanka Kenya la horkeenay, taasi oo la filayo in Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ay ka doodaan oo ay cod u qaadaan, waxaaana arinta loo badinayaa in Kenya ay jareyso gebi ahaanba xiriirkii ay la laheyd Maxkamada dembiyada dagaalka Caalamka ee ICC.

Mooshinka Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya horyaala ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xeer ilaaliyaha Maxkamada ICC uu ku dhawaaqey shan Sarkaal oo siyaasada Kenya xilal fiican ka haya ama ka soo qabtey iyo wariye Kenya udhashay, kuwaasi oo shacabka dalkaasi inta badan ka xumaadaan eeda uga timid Maxkamada.

Waxaa siyaasiyiinta Kenya u dhashay ee Maxkamada ICC u yeertay qaarkood ay ahaayeen rag u sharaxan kuraasta madaxtinimada dalkaasi doorashada sanadka 2012-ka ee ka dhici doonta dalkaasi, kuwaasi oo haatan aan la qiyaasi karin sida rajadoodu tahay kadib eedii ay maxkamadu usoo jeedisay.

Related Items


Leave a comment