Mogdisho: Shil gaari oo sababay Khasaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Magalada Mogdisho

Saturday December 18, 2010 - 16:57:34
0 Comments
1134
Super Admin
Shil gaari oo sababay Khasaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Magalada Mogdisho galinkii hore ee maanta
shilkaan gaari oo ka dhacay wadada warshadaha ee magaalada muqdisho ayaa waxa uu yimid kadib markii uu soo fariin goodtay gaari xamuul ah oo ka yimid dhanka dakada weyn ee magaalada muqdisho kadibna uu ku dhacay gaari homey ah oo dad rakaab ah saarnaayeen kaas oo kusii jeeday dagmada afgooye ee gobalka shabeelaha hoose.

sida ay xaqiijiyeen dad goobjooge yaal ah ilaa 3-qof oo rakaabkii saarnaa homeyga iyo wadahooda ah ayaa ku geeriyooday iyadoona ay ku dhaawacmeen 5-qof oo kale.


dadka dhaawaca uu soo gaaray ayaa loola cararay goobaha caafimaadka iyadoona xaaladooda caafimaad dadka qaar laga deyrinayo.


shilkan gaari ayaa sidoo kale waxa uu saameyn balaaran ku yeeshay dhaq dhaqaaqii gaadiidka ee goobta uu shilka ka dhacay mana aha markii ugu horeysay oo uu shol gaari oo nuucan ah uu ka dhaco wadada warshadaha ee magaalada muqdisho.

Related Items


Leave a comment