Midowga Africa oo sheegay in ay la wareegtay Dowlado goobo Mucaaradku ku sugnaa

Saturday December 18, 2010 - 17:10:41
0 Comments
1724
Super Admin
Midowga Africa ayaa sheegay in ay la wareegtay Dowlado goobo Mucaaradku ku sugnaa oo ka tirsan Caasuamda Dalka somalia

Ku xigeen wakiilka ururka Midawga Africa ee arrimaha Somalia Wafula Wamunyinyi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Midawga Africas ka jooga Somallia ee AMISOM ay guulo ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana uu shaaca ka qaaday inay ku durkeen gobo ay horey ugu sugnaayeen xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeeda dawlada KMGS ee Shabab iyo Xisbul Islam.

Wafula Wamunyinyi waxaa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay xoogaga kasoo horjeeda ay ka saareen degmooyin dhawr ah oo ku yaala magaalada Muqdisho waxaanaa uu intaa ku daray in ciidamadooda iyo kuwa dawlada ay haatan fariisimo hor leh ka sameysteen degmooyin Muqdisho ku yaala oo ay horey mucaaradku u joogeen.

Ku xigeenka wakiilka ururka Midawga Africa ee arrimaha wadanka Somalia waxaa uu sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho ay kula wareegeen 4 degmo oo ay horey u maamuluyeen xoogagaga dagaalada kula jira waxaana uu hoosta ka xariiqay inay sii wadayaan hawl galada ay dawlada ugu gacan galinayaan demooyinka gobolka Banaadir.

“Waxaanu hormaro ka sameynay dagaaladii ugu dambeeyay ee Muqdisho 4 degmo ayaanu kala wareegnay kuwa kale haatan waa gobo dagaal waxaana rajeynayaan in dawladu ay awood u yeelan doonoto inay Muqdisho gacanta ku dhigto maadaama ay ciidamo ku tababaratay dalka Uganda” ayuu yiri Wafula Wamunyinyi oo ah ku xigeenka wakiilka ururka Midawga Africa ee arrimaha dalka Somalia

Wakiil ku xigeenku waxaa uu tilmaamay in ciidamadooda AMISOM oo haatan gaaraya 8,000 oo askari ay awood u leeyihiin wax uu ku sheegay sugidfa amniga dalka ayaa waxaa uu sheegay in dawladaha Uganda iyo Burundi ay dhameystireen ciidamadi ay horey u balan qaadeen.

Dhinaca kalena Wafula Wamunyinyi waxaa uu sheegay inay wax badan ka qabteen dalka Somalia tan iyo markii ay ciidamada AMISOM yimaadeen sanandkii 2007 kuwaasoo ay ka mid yhiin buu yiri fududeynta hawlaha gar gaarka oo usheegay inay si weyb gacan uga geysteen.

Hadalka sarkaal u hadlay ururka Midawga Africa ayaa imaanayaa xilli war laga soo saaray Wasaaradda Warfaafinta dawlada KMGS lagu sheegay in ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ay haatan gacan ku hayaan 50% magaalada Muqdisho mana jiro wax war ah oo arrrimahaan ku aadan oo ka soo baxay dhinacayada dawlada iyo AMISOM dagaalada kula jira ee Xarakatul Shababul Mujaahidiin iyo Xisbul Islam.

Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay dad badan oo rayid ah ku waxyeeloobeen ayaa waxaa horey guulo uga sheegtay Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab oo iyagu si weyn u diidan siyaasadda dawlada KMGS iyo joogitaanka ciidamada AMISOM.

Related Items


Leave a comment