Luuq: Xisbul islaamka Dagmada Luuq ayaa ku biiray Xarakada Shabaab ee gobolka gedo

Sunday December 19, 2010 - 17:04:08
1 Comments
2812
Super Admin
Xisbul islaamka Dagmada Luuq ayaa ku biiray Xarakada Shabaab Mujahidin ee gobolka gedo waqti ay dagaalo ka dhex jiraan labada Xarako ee ku mucaaradka ah Dowlada

Waxaa si rasmi ah Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee Gobalka Gedo ugu biiray maamulkii Xisbul Islaam ee ka arimin jiray Degmada Luuq ee isla Gobalkaasi Gedo, sida lagu shaaciyey munaasabad gaaban oo ka dhacday Degmadaasi

Mas’uuliyiin ka kala tirsan Al Shabaab iyo Xisbul Islaamoo halkaasi kasoo wada qeyb galay, ayaalagu go'aamiyey in Maamulkii Xisbul Islaam ee degmadaasi Luuq ay si rasmi ah ula midoobeen Xarakada Al Shabaab.

Isagoo la hadlayey Warbaahinta ayaa Sheekh Farxaan Cabdi (Ciilmooge) oo ah Gudoomiyaha Maamulka Ururka Xisbul Islaam degmada Luuq waxa uu sheegay in ay go’aan sadeen hadii ay yihiin Xisbiga in ay ku biiraan Al Shabaab, isagoo qiray in ay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda sida uu yiri

Sheekh Colmooge,ayaa ku taliyey inXarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Ururka Xsibul Islaam in ay xiliyaan qilaafka soo kala dhexgalay islamarkaana ay midoobaan, "Waa in Maamulada Xisbul Islaam ay ku biiraan Al Shabaab" ayuu hadalkiisa kusii daray

Ku biiritaankan, ay Xisbul Islaamkii Luuq ku biireen Xarakada Al-Shabaab, ayaa qeyb ka ah awoodaha qayaxan ee ay Al-Shabaab la doonayso inay gabi ahaanba ku burburiso jiritaanka magaca Ururka Xisbul islaam ee uu hogaamiyo Sheikh Xasan Daahir Aweys, oo iminka isaga iyo ciidankiisa kusoo koobmeen inta u dhaxaysa Degmada Afgooye iyo Magaalada Muqdisho

Related Items

Comments


Leave a comment