mogdisho: Wasiirka gaashaan dhiga DFKM C/xakin Fiqi iyo wafti uu hogaaminayo ayaa Booqday Hospitalka Martini ee Naafada

Sunday December 19, 2010 - 17:09:35
0 Comments
957
Super Admin
Wasiirka Gaashaandhiga DFKM C/xakin Fiqi iyo wafti u hogaaminayo ayaa Booqday Cisbitalka martiini ee ay ku jiraan Ciidamadii Xooga dalka Somaliyed ee naafada ah

Wasiirka iyo wadigiisa ayaa isbitalka Martiini oo ay ku jiran ciidanka xooga Dalka ee ku naafoobay dagaaladii ay dowladii allaha u naxariistee Maxamed Siyaad bare, ku qabtay kulan lan saxaafadeed ku adaan booqashadiisa .

Ugu horey waxa ahalkaasi hadalo ka soo jeediyay afhayeenka ciidanka naafada Isbital Martiini waxaanu sheegay in ay si aad ah ugu faraxsanyihiin kormeerkan ay ugu yimaadeen wariiska iyo wafdigiisa islamarkaana ay iyagu meesha ku heysato arin uu ku tilmaamay dayac taasina looga baahanyahay dowlada in ay wax ka qabato.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay wasirka gaashaandhiga dowlada KMG ah Mr Fiqi isagoona halkaasi ka sheegay in dowlada KMG ah ay diyaar la tahay wax u qabashada ciidankii naafada ee dalka, waxaanu intaasi raaciyay in ay ka go’an tahay wax u qabashadooda tahayna mid lagama maarmaan ah .

Waxaa intii la dhisay dowlada KMG ah gaar ahaan xukuumada Cusub ee Raiisul wasaare Farmaajo soo kordhayay booqashooyinka ay xubno ka tirsan dowlada Soomaaliya ugu tagayaan ciidanka naafada ah ee ku jira isbital Martiini, waaa markii ugu horeysay oo uu Wasiirka Gaashaandhiga DKMG ah uu booqasho ugu tago ciidanka naafada xooga dalka.

Related Items


Leave a comment