Mogdisho: Alshabaab iyo Xisbul islam oo Midoobay " Axmed Godane iyo Xassan Daahir oo ku midoobay Alshabab

Monday December 20, 2010 - 10:23:54
0 Comments
3363
Super Admin
Xarakooyink Dagaalka kula jira Dowlada FKM ah ee Somaliya ee Alshabaab iyo Xizbul Islam ayaa midoobay kuwaas oo wada qaatay Go'aanka ay ku wada noqdeed Shabaab wararka ayaa sheegaya in Labada Masuul ee u sareeya Shabaab iyo Xizbul Islam waa Mustafe Gadane(Abu zubayr) iyo Hoganka Xizbul Islam Shikh Aways ay mudooyinki dambe lahayen wada hadal qarsoon kaas oo ugu dambeynii Galabnimadii shalay lagu ansixiyey in Cidamada xizbul islam ay ka mid noqdaan Shabaab iyo Madaxduba
Inkastoo munaasabad ay ku midoobayeen aysan dhican hadana wararka hordhaca ah ee warbahintu helayso ay haleyso ayaa kusheegaya in maalmihii la soo dhaafay ay jireen kulamo gooni gooni ah oo dhex marayay saraakiil ka wada tirsan Xisbiga iyo AL Shabaab kuwaasi oo looga hadlayay sidii labada dhinac ay u midoobi lahaayeen, hase ahaatee galabta ayaa hogaamiyaha Xisbul Islaam iyo ciidamadiisa waxaa ay si rasmi ah ugu biireen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Xarumaha Ciidan ee Xisbigu ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho iyo deegaanada loobarakacay ee duleedka Muqdisho, ayaa waxaa durbadiiba caawa la wareegay ciidamo ka tirsan Al Shabaab iyadoo Ciidamadii kale ee Xisbul Islaamna ay ka mid noqdeen Ciidamada Al Shabaab.

Goobaha ay Caawa la wareegeen Ciidamada Al Shabaab ee ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Xisbiga ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Falaronza, Howlwadaag, saldhiga Hodon, Saldhiga Huriwaa iyo deegaanada loo barakacay oo ay ka mid yihiin Siinka dheer, Ceelasha biyaha, Lafoole Carbiska iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose halkaasi oo ahaa meelihii yaraa ee ay gacanta ku hayeen Ciidamada Xisbul Islaam.

Ilo ku dhow dhow Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaawarbahinta qaarkeed u sheegay in Sheekha Xasan oo ay wehliyeen saraakiil ay ka mid ahaayeen Sheekh Xasan Mahdi, C/qaadir Kumaandoos, Macalin Xaashi iyo xubno kale oo ka tirsanaa Xisbul Islaam laga dhigay saraakiil ka tirsan Xarakada AL Shabaab inkastoo aan wali la shaacin jagooyinka rasmiga ah ee ay Shabaab ka qabanayaan.

Ilaha ku dhow dhow Sheekh Xasan Daahir waxaa ay intaasi ku darayaan in Maalmihii la soo dhaafay ay jireen Cadaadisyo saarnaa Sheekh Xasan Daahir inkastoo ay ka gaabsadeen inay faah faah ka bixiyaan meelaha ay cadaadisyadaasi ka jireen.

Munaasabada ay ku midoobayaan labada dhinac oo ay ka qeyb galayaan saraakiil ka tirsan Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho ama duleedkeeda.

Midowga Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa neef ka soo fujiyay barakacayaasha ku dhibaateysan deegaanada loo barakacay ee duleedka Magaalada Muqdisho kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay ka cabsi qabay in Shabaab iyo Xisbul Islaam ay ku dagaalamaan dushooda maadaama xiisado dagaal oo u dhaxeeyay labadaasi dhinac ay ka taagneyd deegaanadaasi.

Arintaani ayaa ah guul in badan ay ku taamayeen Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo sanad ka hor bilaabay inay kala jajabiyaan Ururka Xisbul Islaam, hase ahaatee waxaa la is weydiinayaan halka uu cirib dhigi doono Xasan Daahir Aweys oo qaar ka mid ah Al Shabaab aysan la dhacsaneyn siyaasadiisa, waxaana suura gal ah in Xasan Daahir siyaasadiisa ay meesha uga baxdo si la mid ah sidii loo waayay siyaasadii Sheekh Xasan Turki uu horay ugu mid ahaa Xisbiga balse ku biiray Al Shabaab kaasi oo warkiisa iyo howlgaladiisa ay u dambeeyeen Maalintii uu ku biiray Al Shabaab.

Al Shabaab sidoo kale waxaa u suura gashay inay gacanta ku dhigaan deegaano iyo degmooyin in badan ay ku taamayeen in ay Maamulaan oo ay ka mid tahay deegaanka Ceelasha biyaha halkaasi oo xiligaan uu ka jiro ganacsi xoogan, waxaana lacagta kaga soo xarooneysa shirkadaha ka howlgala halkaasi Al Shabaab ay u arkaan mid kaabeysa dhaqaalahooda.

Saraakiishii Xisbiga ee galabta ku milmay AL Shabaab ayaa horay iyagoo u heysta inay yihiin kuwa isku kalsoon waxaa ay diideen inay ku biiraan Al Shabaab, balse waxaa ay xaajadu ku xumaatay markii Maamulo ka tirsanaa Xisbiga oo ay isku haleynayeen si la tashi la’aan ah ay ugu biireen Al Shabaab, waxaana Maamuladaasi Baladweyne, kuwii ka jiray degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, Bay iyo Maamuladii ka jiray ilaa 4 deegaan oo hoostaga Tooratoorow kuwaasi oo dhamaantood hoostagayay Xisbul Islaam.

Talaabadii ugu dambeysay ee Xalay Maamulkii Xisbul Islaam ee degmada Luuq uu ugu biiray AL Shabaab ayaa la sheegay in ay soo dadajisay ku biiritaanka Xasan Daahir iyo Ciidamadiisa ay uga mid noqdeen Xarakada Al Shabaab.

Al Shabaab oo horay fariin sarbeeb ah u diray Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Xisbul Islaam oo sanadkii la soo dhaafay kula dagaalamay Magaalada Kismaayo ayaa yiri ( Imaa Shariif, wa imaa Shacab wa, imaa Shabaab) taasoo micnaheedu yahay Xisbul Islaamoow doorta ka mid noqashada Shacabka, ama dowladda Shariif hadii kalena Shabaab.

Isku soo wada duuboo haatan Siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa isugu soo haray Xarakada AL Shabaab oo gooni u taagan, iyo dowladda KMG, AMISOM, Ahlu Sunna iyo Garabka Xisbul Islaam ee uu hogaamiyo Sheekh Yuusuf Indhacadde kuwaasi oo ku mideysan la dagaalanka Xarakada Al Shabaab oo haatan ka talisa gobolo ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Related Items


Leave a comment