BTS: Ciidamadii Xizbul islam ee isaga baxay Xarardheere ayaa isku dhiibay Ahlusuno

Thursday December 23, 2010 - 17:16:52
0 Comments
1681
Super Admin
Ciidamadii Xizbul islam ee isaga baxay Xarardheere ayaa isku dhiibay Ahlusuno, sida ay sheegayaan wararka ka imanayo xarakada ahlusuna ayaa sheegaya in ay so gaareen ciidamo ka tirsana Xizbul islam kuwaas oo wata hub iyo gaadiid dagaal
Kadib markii shalay galinkii dambe ciidamadii ururkii Xisbul Islaam ee la midoobay xarakada Al Shabaab ay isaga baxeen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa maanta saraakiisha Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Galgaduud waxaa ay sheegeen inay ku soo biireen saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa Maamulkii Xisbul Islaam ee degmada Xarardheere.

Madaxa Warfaafinta Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in galinkii dambe ee shalay ay soo gaareen ilaa 30 askari, saraakiil iyo taliyihii ciidamada Maamulkii Xisbul Islaam ee degmada Xarardheere kuwaasi oo watta hub iyo gaadiid dagaal, isagoo sidoo kale hoosta ka xariiqay inay jiraan ciidamo kale oo ka tirsan ururka Xisbul Islaam oo uu sheegay inay ku soo foolleeyihiin

Sidoo kale Abuu Qaadi waxa uu sheegay inay jiraan saraakiil ka tirsanaa ururkii Xisbul Islaam ee degmada Xarardheere, oo Xarakada Al Shabaab ay ku xakumeen dil kuwaasi oo uu tilmaamay in horay aysan uga dhaxeyn wax wadashaqeyn ah sida uu sheegeyna ka soo horjeeday fikirka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Marka laga soo tago hadalka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee ah inay ku soo biireen saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa Xisbul Islaam hadana majiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Maamulkii Xisbul Islaam oo Xarardheere iyo Shabaabkii ay la midoobeen.


Related Items


Leave a comment