Mogdisho: Xukumada ayaa walaac ka muujisay Burcad Badeeda

Friday December 24, 2010 - 17:05:14
0 Comments
1251
Super Admin
Xukumada Cusub ee Somalia aya walaac ka muujisay Burcad badeeda weerarada ku haysa Xeebaha Dalka somalia kuwaas oo sii kordhiyey weeraradooda iyo qafaalashada Maraakiibta Caalamka ee Goosha. ya Biyada Badwaynta
Wasiirka qorshaynta iskaashiga iyo xiriirka Caalimiga ah ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda KMG Soomaaliya Cabdi wali Max’ed Cali oo ka hadlayay arimaha kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa sheegay in dhibaato ay ku hayaan dadka iyo dalka somaliyeed iyo maraakiibta shisheeye intaba.

waxa uu sheegay wasiirka in kooxaha burcad badeeda markii laga soo tago Puntland ay dhibaatooyin ku hayaan guud ahaan wadanka Soomaaliyeed, beesha Caalmaka iyo Maraakiibta shisheeye ee ku safra biyaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.

Reysal wasaare ku xigeenka ayaa amaan usoo jeediyay maamulka puntland waxaa uuna ku amaanay in wax badan ay ka qabatay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee ku sugan deegaanada Maamulkaasi, isagoo tilmaamay in Puntland saldhigyada ugu waynaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo ay ka mid tahay degmada Eel ay ka sifeeyeen kooxahaasi, hadana sida uu sheegay xabsiyada Maamulkaasi ay ku xiran yihiin boqolaal burcad badeeda.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay kooxaha burcad badeedu sii kordheyso weeraradooda isla markaana ay laba jibaarayaan qafaalashada maraakiibta iyo doonyaha shisheeye ee gooshaya Badwaynta Hindiya ee aadka uga fod xeebaha dalka somalia.

Related Items


Leave a comment