Zambia: 86 somali tahriibyaal ah ayaa laga soo tarxiilay wadanka Zambia

Sunday December 26, 2010 - 08:13:17
0 Comments
914
Super Admin
Wararka aan ka helayno wadanka Zambia ayaa sheegaya in ay dowlada Dalka Zambia wadankeeda ka tarxiishay 86 ruux oo somalia kuwaas o ay ku sheegtay in ay si sharci daraa ku soo galeen wadanka Zambia ee Africada Koonfureed , Wararka aan ka helayno ayaa intaas ku daraya in ku dhawaan 60 ka mid ah in maxkamad la geeneyey ka hor intaan la soo tarxiilin taasoo ku xukuntay Lacag Ganaax ah.

madaxa socdaalka dalka zambiya Justine Siame,ayaa waxa uu sheegay in 32 ka mid ah dadkan ay soo galeen dalka Zambiya bishii October iyaga oo doonayay in ay ka faaidaystaan dib u diiwaan gelinta qaxootiga ku sugan xerada Mohiba ee ku taal waqooyi galbeed ee dalka Zambiya

Hadaba talaabada ay qaaday dawlada Zambiiya ayaa ka mid ah falalka uurku taalada leh ee lagula kacayo Somalida ka cararaysa dalkooda ay ka dhamaan la yihiin dagaalada Dagalada iyo dhibta la daalaa dhacaya isla markana maciinsaday in ay helaan meel ay k noolaadan kagana badbaadaan Dagaalada iyo dhibaatada jirta wadankoda Hooyo.

Ahmed abuukar Cade BTS Zambia

Related Items


Leave a comment