Baardheere: Roobab lagu diirsaday ayaa ka da'ay deegano ka mid ah Gobolka Gado

Sunday December 26, 2010 - 13:43:49
0 Comments
1642
Super Admin
Magalada Baardheere iyo Qaybo ka mid ah Deegaanada hoos yimaada ayaa waxaa ka da'ay roobab aad loogu raystay ayada oo gobolo badan oo somaliyaa laga soo sheegayo Abaaro ba'an iyo Biyo la'aan

Dadweynaha ku dhaqan degmada Baardheere ayaa sheegay in roobabkan oo watay Hilaac iyo onkod fara badan ay si weyn ugu farxeen. iyagoo sheegay in sidoo kale roobabkan ay ka da’een tuulooyin dhowr ah oo ku yaala inta u dhexeysa degmada Baardheere iyo deegaanka loo yaqaano Ufurow

Roobabkan oo dadku ay sheegeen iney yihiin kuwii xiligii baaqday ee deyrta ayaa waxay biyo badan dhigeen waro fara badan oo ku yaala degmada Baardheere ee gobolka Gedo iyo nawaaxigeeda, kuwaasoo mudooyinkan la qalalnaa abaaraha ka jira gobolada dalka oo sababay iney naftooda ku waayaan dad iyo xoolo fara badan, haraad iyo Gaajo ay sababeen biyo iyo cunto la’aan awgood.

Deegaanada ku yaala gobolada Bay. Bakool iyo Gedo iyo meelo kale oo ay ku jirto magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa daruuro madow oo biyo wata, kuwaasoo dadku ay filayaan in maalmaha iyo saacadaha soo socda ay ka heli doonaan roobab ay ku diirsadaan oo u horseeda iney kaga baxaan abaaraha bilihii ugu dambeeyey saameynta balaaran ku yeeshay oo sababay in qeylo dhaan gurmad doon ah ay soo yeerto dadka ku dhaqan gobolada dalka.

Ahmedna


Related Items


Leave a comment