BTS: WAR DAG DAG AH

Sunday December 26, 2010 - 13:52:56
0 Comments
939
Super Admin
Gudoomiyaha Gobolka Bari Shiikh C/xaafid Cali Yuusuf ayaa raali galin ka bixiyey war uu ka sheegay idaacada BBC.

Gudoomiyaha Gobolka bari shiikh C/xaafid Cali Yuusuf ayaa raali galin ka bixiyey war uu ka sheegay war baahinta oo la xiriiray labo nin oo lagu qabtay ayaga oo ku jira Falal amini daro oo mid ka mid ah lagu dilay goobtii kan kalena ilaa hada lagu hayo Xabsiga.

Gudoomiyaha ayaa Idaacada Laanta Afka Somaliga BBC waxaa uu ka baahiyey in labada nin ay yihiin niman ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool taas oo Hada dib loo saxay.

Gudoomiyaha ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay Xarunta gobolka Bari oo ay ka soo qayb galeen Odayaal iyo Culumaa'udiin ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool waxaa uu ka bixiyey raali galin.

Muhannad Abdigani Geelle
Directir Burtinle Times



Related Items


Leave a comment