BTS: Ciyaaryahan Abubakar Shegoow oo wacdaro ka dhigay koobka kooxaha dhalinyarada FA ‘’Latics Out of FA Youth Cup’

Friday February 11, 2011 - 09:26:34
0 Comments
1584
Super Admin
Ciyaaryahan Abubakar Shegoow oo wacdaro ka dhigay koobka kooxaha dhalinyarada FA ‘’Latics Out of FA Youth Cup’

Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee ka midka ah kooxda dhalinyarada Wigan Athletic Abubakar Sheegoow ayaa wacdaro ka dhigay ciyaartii kooxdiisa kale hor timid kooxda Watford koobka FA Youth Cup.

Kooxda Wigan Athletic ayaa markii ugu horeysay sanadkaan lagu reebay wareega afaraad koobka FA Youth Cup , ciyaartaas oo ka dhacdey garoonka kooxda Watford oo ku yaal Vicarage Road. ee magaalada London.

Kooxda Watford ayaa labo goal ka dhalisay kooxda Wigan ciyaarta intii ay socotey, hasayeshee markii la gaarey daqiiqadii 72 ayaa waxaa garoonka ay soo galiyeen kooxda Wigan Athletic ciyaaryahanka uga dheela weerarka waa Abubakar Sheegoow oo ah wiil Soomaaliyeed oo mustaqbal wanaagsan ka leh kubadda cagta, kasoo kubadii ugu horeysay uu ku taabo cagta ay noqotey mid uu shabaqada goalka kooxda Watford uu ku hubsado goal qurux badan, tasoo ciyaarta ka dhigtey 2 goal iyo 1 goal.

Kooxda Wigan Athletic oo aad moodo habeenkaasi in xaga daafaca ay ka dhibanayeen ayaa hadane laga dhaliyay goalkii 3aad, hasayeeshee ciyaaryahanka Soomaaliyeed ayaa hadane daqiiqadii 90 mar kale kooxdiisa u dhaliyay goalkii 2aad, taasoo noqotey in ciyaarta ay ku soo dhamaato 3 goal ay guushii ku raacdo kooxda Watford oo lagu ciyaarayay gurigooda halka kooxda Wigan Athletic-na ay keeneen labo goal oo uu saxiixay habeenkaas ciyaaryahankeena Abubakar, taasoo jaraaidka dalkaan ay aad uga faloodeen wacdaraha Abubakar.

Macalinka kooxda Wigan Athletic ayaa aad ula hadley markii ay ciyaarta soo dhamaatey ciyaaryahan Abubakar una sheegay inuu qalad sameeyay oo aheyd inuu mar hore soo galiyo ciyaarta Abubakar ama ku bilaabo madaama uu caawa waxyar isagoo ku jira garoonka wax badan ka badaley ciyaarta, islamarkaana ugu hambalyeeyay dadaalka iyo goalasha quruxda badan uu u dhaliyay kooxdiisa.

Mar aan qadka telefoonka kale sheekeystey mudane Axmed Bishaar Sheegoow oo ah aabaha dhaley Abubakar oo isna soo ahaan jirey barisamaadkii ciyaaryahan ka tirsan kooxda Horseed (Cawo iyo Maalin) ayaa iisheegay inuu maalinba maalinta ka dambeysa uu sameynaaayo horumar xaga cayaaraha ciyaaryahan Abubakar Shegoow, islamarkaana uu mustaqbal wanaagsan ka leeyahay inuu dhawaan ka mid noqdo ciyaaryahanada heerka koowaad ee kooxda Wigan Athletics insha Allah.

Kooxda Wigan Athletic waxay ka mid tahey kooxaha heerka koowaad ee dalka England.

Ciyaaryahan Abubakar wuxuu ka soo mid ahaan jirey ciyaartooyda mustaqbalka kooxda Manchester City balse labadii sanadood ugu dambeysay waxa uu u soo wareegay kooxda Wigan Athletic kadib markii ay labada kooxood isku afgarteen, waxana uu degan yahay oo uu ku xareysan yahay naadiga Wigan, halka waalidkiis iyo walaalihiisna ay degan yihiin weli magaalada Manchester.

Run ahaantii guulaha iyo horumarkaan uu sameeyay ciyaaryahan Abubakar Shegoow waxay farxad galinaysaa dhamaan dadka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan iyo qaasatan caruurta Soomaaliyeed oo uu u noqon karaa mid ay kaga daydaan heerka uu ku socdo iyo meesha uu maanta taagan yahayba, waxaan hambalyo gaar ah halkaan iyo taageeroba uga dirayaa mudane Axmed Bishaar Sheegoow oo ah aabe daba taagan wiilkiisa sidii uu u noqon lahaa ciyaaryahan wanaagsan.

Ciyaaryahan Abubakar Sheegoow waxaan u rajeynaynaa guul wacan iyo horumar wanaagsan insha Allah

W/D: Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London

NB: Sii aqri waxay ka qoreen jaraaidka dalkaan ciyaartii ugu dambeysay ee uu dhaliyay ciyaaryahan Abubakar Sheegoow .

Watford 3-2 Wigan Athletic

Wigan Athletic youth team lost for the first time this season as they were knocked out of the FA Youth Cup in the 4th round by Watford at Vicarage Road this evening.

Dave Watsons young guns travelled south for the tie confident of progressing after their excellent start to the season, but unfortunately they came up against a very good Watford side who took the lead after 20 minutes when Adam Thompson headed the Hornets in front.

Gavin Massey doubled Watford`s lead in the 59th minute when he raced clear of the Latics defence to fire home.

Latics introduced Abubakar Sheego on 73 minutes and with his first touch the young striker reduced the deficit when he finished a low Steven Bootham cross with a sweet strike.

The goal gave Latics renewed hope but it was Watford who scored next, Smith scoring at close range on 81 minutes.

Sheego got his and Latics second goal deep into stoppage time to make it 3-2, but there was to be no more scoring and Watford go through to the 5th round to face Fulham

Watford: Bond; Horner, Thompson, Bevans, Tumwa (Archer 67); Hamilton-Forbes; Isaac, Smith, Murray (Mensah 83); Massey, Assombalonga. Not used: Bonham, Fenwick and Gardner.

Wigan Athletic: Nicholls; Lewis, Girvan, Astles, Willis (Phillips 83); Morris, Chow; Bootham, Watson, Myler (Sheego 73); Bingham. Not used: Lynch, Williams and Waters.

Scorers:

Watford
Thompson 21
Massey 59
Smith 81

Latics
Sheego 73 & 90


Related Items


Leave a comment