BTS: Khilaafkii ugu sareeyay oo soo kala dhex galay Madaxda XSKK, ka dib markii la lunsaday $40,000, $.–

Wednesday February 09, 2011 - 18:38:29
0 Comments
1171
Super Admin
Khilaafkii ugu sareeyay ayaa soo kala dhex galay Madaxda XSKK, ka dib markii la lunsaday 40,000, $.–
Khilaafkii ugu xooganaa abid ayaa soo kala dhax galay maamulka ugu sareeya Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliyeed ka dib markii la lunsaday lacag qiimaheeda lagu sheegay 40,000 oo doolar taasi oo loogu tala galay hor marinta XKK iyo waliba ka qeyb galida Tartan ciyaareed gabdho iyo wiilal isugu jira ee ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Qaarada Afrika.

Khilaafkaan oo ahaa mid maalmihii u danbeeyay taagnaa ayaa waxa uu si toos ah u soo if baxay ka dib markii Xoghayaha Xiriirka Kubada koleyga Soomaaliyeed Ing, Baana Cali oo aan wax wafdi ah Hogaamineen Saacadihii la soo dhaafay gaaray magaalada Kigali ee Dalka Ruwanda, Halkaasi oo ka Furmaya Tartanka Ciyaaraha Kubada Koleyga Gabdhaha iyo Wiilasha ee Bariga Afrika.

Baana Cali oo ah Xoghayaha Xiriirka Kubada koleyga Soomaaliyeed ayaa Muddooyinkiii ugu danbeeyay ku jiray Dadaalo ku aadan sidii dalka Soomaaliya sanadkaan ugu qeyb gali laheyd Tartanka Ciyaaraha bariga Afrika iyadoona hey'ada OS/IOC, uu ka dalbaday in XKK laga taageero Dhaqaalaha ku baxaya ka qeyb galka tartankaan.

Hadaba Khilaafka ayaa yimid ka dib Markii Maamulka XKK iyo GOS Xaruntooda Muqdisho ay gaartay Qarashkii lagu maareen lahaa ka qeyb galka tartankaasi in ay door bideen kala dirista Ciyaartoy iyagu ku han weyneed ka qeyb galida tartankaani oo Muddo isku diyaarinaayay, iyadoona taasi soo da dajisay in Xoghayaha Xiriirka Kubada Koleyga Madaxda Olompikada Aduunka ku wargeliyo in Qarshkii loogu talagaly tartankaasi la lunsaday.

Waxaa Mar qura Guux iyo sawaxan wada ruxay Xafiiska GOS ee Muqdisho sida aan ku helnay ila wareedyo lagu kalsoon yahay kaasi oo ka ag dhaw XKK Soomaaliyeed iyadoona Kheyla dhaanta ugu xoogan iyo awooda kaliya ee u furan Maamulka Muqdisho uu noqday in ay ku andacoodaan Awooda Ing, baana u siin karta in Madaxda Olompikada Aduunka Warqad u qoro.

Inkastoo Sportiga Soomaaliya bur burkii Dagaaladii sokeeyay ka dib uu ku jiray jawi jahwareer iyo mid xeelado kala gedisan ku dhisan ayaa hadana Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliyeed waxa ay ku jireen Xiriirada ugu cad cad kuwa Maamulka Sportiga waxaana taasi suura geliyay Macalimiin, Ciyaartoy iyo garsoorayaal ka daacad ah rabitaanka Spoti iyo hormarinta Sportiga Dalka.

tartamo fara badan oo loogu tala galay in ay ka qeyb galaan Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliyeed ayaa baaqasho iyo dib u dhacyo ku yimid iyadoona ay tahay mid xisaabsan inta tartan ee Xirirka Kubada Koleyga Soomaaliyeed ka qeyb galeen intii ay jireen oo iminka gaareesa muddo 18 sanadood marka laga soo qabto bur burkii dalka ka dib.

Baaqashada tartamada Xiriirka Kubada Koleyga ee dhanka Dibada ayaa loo micneen jiray Dhaqaalo aan soo galin Xiriirka iyadoona Ciyaartoyda macalimiinta iyo Awooda ka sareesa ee garsoorayaasha ahaayeen kuwo had iyo jeer ku shaqeeya si iskaa wax u qabso aan laga been sheegi karin, iyadoona taa ay u sii dheereed in laga baajiyo fursado badan oo wax tar iyo wax qabad intaba u noqon lahaa.

Bahda Sportiga ayaa in badan is weydiiinaayay maxaa loo waayay Macalimiin Kubada Koleyga oo tababaro hela, maxaa loo waayay Garsoorayaal KK oo tababaro hela, maxaa loo waayay Ciyaartoy Kubada Koleyga oo tartamo ka qeyb gala, intaba waxa ay mar waliba mar u jeleecayeen dhanka ay is leeyihiin usha wey ka weeciyeen halkaasi, balse Xilligaan ku soo baraarugay Kartida iyo Sportiga jacelka Soomaaliya halka ay taagan tahay.

Sportiga Soomaaliya waxa uu u kala jabay labo gaaashaan buur kuwaasi oo u kala qeybsamay (1) Gaashaan buurta Dhaqaalo ojaceylka (2) Gaashaan buurta Xil Jaceylka, kuwaasi oo fariisimo ka kala sameestay Gudaha Dalka iyo Dibada Dalka.

Waxaa hubanti ah in ay maanta Qaarada yurub, Ameriga Asia, iyo Australia ay ku sugan yihiin Xubno ku magacaaban xilal aan la ogeyn halka ay ka socdaan iyo meel ay u socdaan hadana aan wax war u heynin xaqiiqda iyo xaajada ka taagan Sportiga Dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo had iyo jeer jecel in ay ka hadlaan masraxa ay isugu yimaadaan bahda Sportiga iyagoo sheeganaya magaca Sportiga Soomaaliyeed.

Haanta labada Dhinac u kala jabtay Ayaan Xilligaan la ogeyn halka ay shacabka u sii hanqal taagi doonaan iyadoo Horey Soomaalida ugu maah maahday Dhaqaalaha waa kan isku dira Labada walaale ee isla dhashay, taasi oo ka dhigan Khilaafka maanta ka taagan XKK oo aan waligii khilaafi lagu sheegi jirin balse Maanta xaqiiqda dhabta ah heysata taasi oo aan isha shacabka marnaba laga qaran karin.

Su,aasha ugu weyn ayaa ee bahda Sportiga Saacadihii la soo dhaafay is weydiinayeen ayaa aheyd, Safarka Baana ee Dalka Ruwanda, Warqada Cadeynta ee OS/IOC loo diray, Baaqashada Dhaboowday ee Isbaheysiga Muqdisho, iyo iyo dhaleeceenta isa soo tartay ee Qurba joog iyo dal joog intaba afka iskula dhaceen, iyo cida Markaasi lagu tilmaami karo in ay yihiin dadka saxan, iyo go,aanka ka imaan karta FIBA, iyo OS/IOC, oo xaqiiqda Soomaaliya Arkay.!!!!!!!

Filo Gowr dhaw Cododka bahda Sportiga isku weerareen, + Cadeemaha Dhabta ah ee taagan Ducumentiyo.

W/Q. Garsoore Kubada Koleyga Soomaaliyeed.
Wehel Media Cheif Editor.
Salah Hassan Omer. {Salah Dheere}.
Email. s.dheere@hotmail.com.
Amsterdam - Holland.

Related Items


Leave a comment