BTS: Raisalwasare Farmajo oo ka qayb galay Munasabad mushaar siin Ciidamda Naafada ee Somalia

Sunday February 13, 2011 - 19:57:17
0 Comments
1009
Super Admin
Raisalwasare Maxamed C/laahi Maxamed Farmajo ayaa ka qayb galay Munasabad mushaar siin Ciidamda Naafada ee Somalia.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa galabta ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Xarunta Ciidanka Naafada xooga Dalka Soomaailyeed ee Isbitaal Martiini taasoo mushaar lagu siinayay Ciidankaasi Naafada ah.

Sidoo kale, munaasabadan waxaa joogay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Marwo Sahra Maxamed Cali, Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Abuukar Daahir Cismaan iyo saraakiisha Ciidanka Xooga.


Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga ayaa yiri “Waxaa maanta farxad weyn inoo ah in Ra’iisul Wasaaraha iyo anigoo ah Wasiirkii Gaashaandhigga aan xaruntiina idinku soo booqano haddii aad tihiin Naafadii xooga dalka Soomaaliyeed, taasina waxay ka turjumeysaa ahmiyadda weyn ee Xukuumada uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Mudane Farmaajo ay siineyso taakuleynta iyo daryeelka iyo dib u dhiska ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed, si loo sugo tiirarka dowlad-nimada, loona xoojiyo amniga, kala dambeynta” ayuu yiri Mudane Fiqi oo sheegay in xukuumadu aaney marna ilaawi doonin ciidankii Qaranka iyo difaaca dalka xubnohooda ku waayay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isna la hadlay Naafada isagoo sheegay inuu ugu horeyntii u mahadcelinayo golihiisa Wasiirada oo uu sheegay in dhamaantood ay la qabaan fikrada ah in ahmiyadda koowaad la siiyo dib u dhiska ciidanka Xooga dalka iyo daryeelkooda.

“Muhiimada koowaad waxa weeye inaan ugu horeyn taakuleyno ciidankii ku naafoobay dagaaladii 77 taasoo jawaab u ah marka aan idin taakuleyno kuwa haatan habeen iyo maalin furimaha dagaalka ku jira ee caddowga ka horjeeda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in Naafada xoogu ay mudan yihiin xusuus gaar ah.

“Waxaan balan qaadnay dowladdan cusub iyo madaxweynaha dalka inaan muhiimad gaar ah siino ciidamada, sababtoo ah iyagaa ammaanka soo celin kara, Amnigii marka la helona Qaranimadii ayaa soo noqoneysa” ayuu yiri R.wasaaraha oo xusay in dhibaatadu ay ka taagneyd in xukuumadihii wadanka soo maray ay xaqiri jireen mudnaanta ciidanka Qaranka.

“Dhibaatadu waxay ka taagneyd in la xaqiro ama aan la tixgelin ciidanka sidoo kalena aan la tixgelin lana daryeelin ciidankii u naafoobay dalkooda, adinka oo aan la idin tixgelina wax hagaagi kara ma jiraan, maxaa yeelay ciidanka hadda jooga idinkaa tusaale u ah” ayuu mar kale yiri Mr. Farmaajo.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Naafada xooga dalka in galabta hortiisa lagu siin doono mushaarkii ugu horeeyay ee xukuumadiisu siiso Naafada Xooga, isagoo yiri “Insha allahu waxaan rajeynayaa in aysan noqon bishii ugu dambeysay oo aad mushaarkan qaadataan, waxaana rajeynayaa in bil kasta aad qaadataan” ayuu yiri.

Ciidanka mushaarka loo bilaabay maanta ayay tiradoodu dhameyd 97 ka tirsan Naafadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo intooda badani ay ku socdeen Gaadiidka dadka naafada ah, halka kuwa kalena ay biro ku boodayeen, waxaana jiray 250 kale oo ka tirsan Naafada oo degan qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in talaabada xigtana ay mushaar siin doontaan ciidanka ku dhaawacmay ama ku naafoobay dagaalada haatan ay dowladdu Federaalku kula jirto kooxaha Nabad iyo dowlad-diidka ah.

dyn

Related Items


Leave a comment