BTS: Sarakil DFKM ka tirsan oo sheegay in qaraxii shaly lala begsaday ay hayaan cidii ka dambaysay

Monday December 27, 2010 - 09:28:44
0 Comments
1219
Super Admin
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Dowlada FKM ayaa warfifineedyda u sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen rag shalay qarax khashaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira geestay ku tuuray Ciidanka dowlada ee ku sugnaa Isgoyska Banaadir ee Magalda Muqdisho
Sido kale waxaa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen ragii ka dambeeyay weerarkaasi bambaano, isagoo tilmaamay in ay gacanta ku hayaan 6-ruux iyo labao Hoomeey oo uu xusay in ay ka dambeeyeen qaraxaasi, waxaana uu sheegay in dadkaasi loo gudbiyay xarunta dambi baarista ee magaalada Muqdisho.

Mar la waydiiyay su’aal aheeyd sida ay ku cadayn karaan in ragaasi ay yihiin kuwii ka dambeeyay weerarkii bambaano ee shalay galinkii dambe lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo ku sugana aga gaarka Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu tilmaamay in iyagu ay yihiin dadkii ka dambeeyay weerarkaasi islamarkaan a ay cadyihiin waxyaabaha lagu haysto.

Weerarkii bambaano ee shalay galinkii dambe lagu weeraray askar ka tirsan dowladda KMG oo ka agdhawaa Nawaaxiga Isgoyska Banaadir ayaa waxaa uu gaystay qasaaro dhaawacyo ah oo gaaraya 6-ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Haweenka danyarta ah ee ganacsiga yaryar ku haysta Isgaysa Banaadir .

Farhan Sagal
BTS Mogdisho

Related Items


Leave a comment