BTS: Isin ka mid ah Ismimada dhexdhaxadinta Cagaare oo warbahinta uga waramay xalka Guud ee Cagaare

Wednesday December 29, 2010 - 10:40:37
0 Comments
2391
Super Admin
Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo ah isinka mid ah isimada ka dhex waday dhexdhexadinta beelaha colaadu ku dhexmartay Cagaare ayaa u war bixiyey warbaahinta asaga oo sheegay in hishiiskii uu meel maray hadana shaqeeyo.

Amiirku waxaa uu sheegay in reermiyigabeelaha colaadu dhexmartaywaqtigan ay sameeyaan isdhexgal iyo in ay wadaagaan daaqsinka maadaama sida uu sheegay la helay kalsooni ay ku sii wada negaadaan labada dhinac ee horey daaqsinka iyo biyaha u wadaagay.

Labada beelood ee horey ugu dagaalamay deegaanka Cagaare ee dhulka howdka ah ayaa waxaa dhacdooyinkii dhibaatada lahaa ee soo maray lagu dhameeyay gogol nabadeed oo uu dhigay Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise, waxaana gogoshaasi nabadeed lagu kala qaatey diyo, duug iyo wixii colaadaha lagu kala dhacay.

Heshiiskii ugu dambeeyay ee labadaasi beelood gacmaha la isugu saarey ayaa 15-kii bishan ka dhacay deegaanka Meygaagle, heshiiskaasi oo lagu dhaliilay maamulka Puntland oo ay ka soo wada jeedaan beelaha diriray inuusan ka qeybqaadan nabadeynta.

Amiir Maxamuud waxaa uu intaa ku daray in deegaanadii horey loogu diriray ay ku soo laabteen dhamaan reer guuraagi horey u deganaa iyaga oo aan wax colaad ah isu qabin, waxayna si wadajir ah u wadaagayaan daaqsinka iyo deegaanka ay horey uwada deganaayeen se colaadu kala dirtay.

BTS Online

Related Items


Leave a comment