Madaxwrynaha puntland oo tilmaamay in puntland dhigayo go-gol dib u heshiisin

Thursday January 25, 2024 - 20:22:34
0 Comments
77
ahmed raajaa
GAROOWE
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo maanta ka hadlayay magaalada Garoowe ayaa shaaciyay in uu shir dib u heshiisin u qabanayo Soomaaliya.

Madaxweyne siciid deni ayaa tilmaamay in uu dhigayo gogol dib u heshiisin oo looga hadlayo xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira guud ahaan dalka Soomaaliya.

"Waxaan rabaa inaan furo gogol Soomaaliyeed oo lagu qabto Puntland oo lagu heshiiyo dadka Soomaaliyeed, laga wada hadlo difaaca dalka iyo badiisaba” ayuu yiri Siciid Deni.

Waxaa noo fidsan go-gol Soomaaliyeed oo aan kuwada hadalo, Madaxweyne Xasan Sh Maxamuudna waa kii hore u yiri: Soomaali heshiis ah Aduunkana la heshiis ah, marka heshiiskaas baa hadda loo baahan yahay” ayuu sii raaciyay Deni.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment