BTS: War Dagdag ah " Mudane Tarsan oo lagu wado in uu soo gaaro Garowe"

Wednesday December 29, 2010 - 10:59:59
0 Comments
2528
Super Admin
Gudoomiyaha Gobolka Banadiar ahna Duqa Mudisho Mudade Maxamed Nuur Tarsan ayaa lagu wadaa in uu ka soo qayb galo Ciyaarta Finalka ee ka dhico doona jimcaha Magalda garowe ee Casumada puntland.

ciyaartan oo dhici doonta 31-da bishaan ayaa waxaa qeyb ka ah gobalada finalka u tar tamaya gudoonka koobkan gobalka banaadir oo si dar dar leh uga qeyb galayn cayaarahan ay qeyb ka wada ahaayeen dhamaan gobalada dalka somaliya marka laga reebo kuwa yar ee hoostaga maamulka somaliland la baxay.


Wasiirul Dawlaha Maamul-Wanaaga Puntland ahna Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada Ciyaaraha gobolada Soomaaliya Maxamed Faarax Ciise “Gaashaan” oo saxaafadda qaar la hadlayay ayaa xaqiijiyay in tarsan uu ka qeyb galayo gaba gabada ciyaartan.

"Tarsan waxaa uu inoo soo diray fariin uu puntland uga codsanayo in uu ka qeyb galo ciyaartan gobalka banaadir ay finalka kasoo gaartay anaguna waanu ka aqbalnay"ayuu yiri masuulkan puntland ay u xilsaartay qaban qaabada cayaarahan.


Inkasta oo ay banaadir tahay Kooxada kaliya ee Hada Finalka Joogata lama oga cida u soo hari doona Ciyaarta galabta Dhex maraysa Sh/dhexe iyo Bari sido kale ayaa aysan jirin ogaashaha cida guusha iyo koobka ka dajin doonta Gobolkeeda .
Muhannad Abdigani

Related Items


Leave a comment