BTS: Ansixinta Miisaaniyada Sannada 2011 ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmartay

Wednesday December 29, 2010 - 17:02:11
0 Comments
958
Super Admin
baarlamanka Dowlada Somaliya ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Miisaniyada Sannadka soo socda ee 2011 ku shaqaynayso Xukumada cusub

Kulan ay maanta ku yeesheen Xarunta Golaha Shacbiga ayay mudanayaashu aqbaleen miisaaniyadda oo wasaaradda maaliyaddu soo diyaarisay maalmahaana ay Baarlamaanku ka doodayeen.

kulanka oo ay soo xaadireen 286 mudane ayaa 281 ka mid ah u codeeyeen Miisaaniyadda, halka ay diideen 4 mudane, waxaana ka aamusay hal xildhibaan.

Dhinaca kale Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka ayaa soo dhaweeyay tallaabadii lagu ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka bilaabanaya maalmo kaddib.

Mudanayaasha oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in dalku uu hadda ku jiro dagaal isla markaana ay jirto siaaysad kala guur ah taasna ay muhiim u tahay miisaaniyadda la ansixiyay muddada sanadka ah.

Related Items


Leave a comment