Galkacyo: Gudoomiyaha Banadir oo lagu so dhaweyey Galkacyo

Thursday December 30, 2010 - 19:46:07
0 Comments
951
Super Admin
Gudoomiyaha Gobolka Banadir Maxamed Axmed Tarsan iyo wafti uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Galkacyo ayaga oo u sii gudbi doona Caasumada puntland Garwe si ay uga qayb galaan daawashada ciyaaraha Finalka eee bari ka dhici doona Mire Awaare Stadium Garowe

Duqa Magaalada Muqdisho iyo wafdiga uu horkacayo ee gobolka Banaadir ayaa ku wajahan magaalada Garowe ee caasimada Dowladda Puntland halkaasi oo uu ka soconayo tartanka kubada cagta ee gobolada dalka Soomaaliya.

Wafdiga Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ku soo dhoweeyay Gudoomiyaha gobolka Mudug Mudane Axmed Cali Salaad iyo Saraakiil kale oo katirsan maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa warbaahinta u sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinkiisa Puntland, isagoo mahad celin u diray mas’uuliyiintii ka qeybgashay soo dhoweynta wafdigiisa, wuxuuna intaa ku daray in safarkiisu ku wajahan yahay degmada Garowe ee caasimada Dowladda Puntland.

Mudane Tarsan ayaa sheegay in uu rajeynayo in uu ka qeybgalo ciyaaraha kama dambeysta ah ee Final-ka ee dhexmari doonta xulalka kubada cagta ee gobolada Banaadir iyo Bari, ciyaartaasi oo ah tii ugu dambeysay ee koobka 18aad ee ay ku baratamayeen xulalka 15 gobol oo Soomaaliya gudaheeda ah.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Mudane Axmed Cali Salaad ayaa dhigiisa gobolka Banaadir ku soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo, isagoo warbixin guud ka siiyey amniga iyo horumarka ka jira degmada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug, wuxuuna sheegay in maamulka Puntland uu yahay maamul u taagan isku keenista Soomaaliweyn, isla markaana uu hoostago Dowladda FKMG Soomaaliya.

Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa ku farxay soo dhoweynta iyo marxabeynta uga imaneysa dhiniciisa, wuxuuna Duqa Muqdisho ka dhawaajiyey si kaftan leh in ay tahay markiisii ugu horeysay ee uu yimaado gobolada Waqooyi Bari ee dalka Soomaaliya ee uu haatan ka dhisan yahay maamulka Puntland, isagoo intaa ku daray in ay Puntland ku nool yihiin Ardey farabadan oo saaxiibo ay ahaayeen bariisamaadkii.

Kala soco warerka BTS Online

Tix:Rcb

Related Items


Leave a comment