BTS: Wadanka Philipine ayaa sheegay in Muwadiniintisa Burcad Badeeda Xoog uga soo furan doonaan

Saturday January 01, 2011 - 10:00:24
0 Comments
1277
Super Admin
Madaxwaynaha Wadanka Phinpine ayaa goor uu la hadalyey Warbaahinta kana hadlayey dadka u dhashay dalkiisa ee Burcad badeedu haysto sheegay inay awood miletry ku soo furan doonaan muwaadiniinta Phipine ee Burcad badeeda somalida ah haysta.

Madaxweynaha dalka Philipine waxaa uu shaaca ka qaadey inay weerar ku qaadi doonaan burcad badeeda dadkeeda afduubka u haysata,waxaana ay sheegtey xoog u isticmaali doonaan burcad badeeda.

Dadkan u dhashay dalka filibiin waxaa lagu haystaa xeebaha dalka soomaaliya waxaana burcad badeedu dhawr jeer codsadeen lacago badan oo ay dadkaasi ka rabaan,waxaana uu arrintaasi ka aamusay dawlada wadankasi.

Dawlada Wadanka Filibiin waxaa ay shaacisey inay burcad badeeda u diyaarisey ciidamo tababaran oo xoog ku soo furta dadka xooga ay ku haystaan,waxaana sheegeen inay maalmaha soo socda xoog kaga qaadi doonaan dadkaasi & doonida ay saaran yihiin.

Burcad badeedan ayaa doonaya lacago baad ah oo ay ka qaadayaan dadkaasi & dawlada wadanka Filibiin lamana oga qaabka xooga ay u adeegsan doonto soo furashada dadkaasi burcad badeedu gacanta ku hayso.

Burcada ayaa ku hanjabta ayana dhankooda cidii isku dayda in ay soo weeranta in ay layn doonaan dadka ay hayaan .

Related Items


Leave a comment