Bosaso: Xulalka Kismayo, Mogdisho, iyo Bosaaso oo lagu wado in ay soo gaaraan Boosaaso

Saturday January 01, 2011 - 10:18:34
0 Comments
620
Super Admin
Wararka BTS Online ay ka helayso Caasumada puntland ayaa sheegaya in Galanta la filayo in Magalada Bosaso ee Xarunta Dakhliga Puntland ay soo gaaraan Xulalka kubada Cagta ee ka qayb galay Koobka 18aad ee gobolada Somalia.

Ka dib markii maalintii shalay lagu soo afmeeray Ciyaarihii Gobolada Caasumada Puntland ee garowe sido kalena Koobkii 18aad Gobolada la gudoonsiiyey Kooxda Gobolka Bannadir ayaa waxaa marti qaadyorasmi ah u fidiyey Maalmulka gobolka Bari , Ganacsatada Shirkadaha, iyo Warbaahinta qaybo ka mid ah,

Sidaa darteed waxaa aad maanta looga dareemin Magalada bosaso soo dhawaynta Gobolada Mogdisho iyo Kismayo oo Martiqaadka helay iyo gobolka bari oo ah gobolka martida loo yahay .

Dadka ayaa dhamaan ku faraxsan soo dhawaynta gobolada ayada oo loo diraariyey meelihii ay ku soo dagilahaayeen Xulalkaas iyo Madax garab socota oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gobolka iyo barasaabyada Dagmooyinka Bannadir.

Mohamoud Abdi

BTS online

Related Items


Leave a comment