BTS: Somaliland oo sii daysay diyaaradii iyo shaqaalihii saarnaa ka dib bixin lacageed

Saturday January 01, 2011 - 20:50:57
0 Comments
1173
Super Admin
Madaxda Maamulka Somaliland ayaa xaqiijiyey in maanta ay ka kicitintay Garoonka Cigaal International Airport Diyaaradii in dhawayd halkaas ay ku hayeen ee saanada miletery u siday dhanka Puntland.

Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Max’uud Xaashi Cabdi ayaa waqti uu warbaahinta la hadlayey waxaa uu sheegay in Maanta Somaliland ay sii deysay lixdii ruux ee Ajanabiga ahaa ee dhawaan diyaarada lagu magacaabo Antanov 32 ka soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

Waxaa uu sheegay Max’uud Xaashi in diyaarada iyo ragga duuliyayaasha ka ahaa ay u kicitimeen Magaalada Dubai ee isugu tagga imaaraadka Carabka, isagoo carabka ku dhiftay in ay bixiyaan ganaaxii lacageed iyo dhaqaalihii lagu badalayay halka sano ee lagu xakumay.

Wasiirka waxaa uu xusay in baaritaano dheer oo ay sameeyeen kadib ay ku ogaadeen in lixda nine e Ajanabiga ah dhamaantood aysan u dhalan wadanka Ruushka isagoo tilmaamay in sedax ka mid ah ay u dhasheen Ruush, labana ay u dhalatay Moldova halka midka lixaadna uu ka soo jeedo Ukraine.

Sii deynta dadkaani ayaa timid kadib markii arintaani ay soo faragalisay wasaarada arimaha dibada ee Ruushka oo u soo martay Safiirka Ruushka u fadhiya dalka Jabuuti kaasi oo si toos ah xariir ula soo sameeyay Somaliland, waxaana shirkadda iska laheyd diyaaradah ay bixisay qarashka lagu ganaaxay duuliyayaasha diyaaradaani.

Ugu dambeyntii Somaliland waxaa ay sheegtay inay Qaramada Midoobay ku wareejin doonto agabka militari ee ay waday diyaaradaani si baaritaan buuxda ay ugu sameysay sababa keenay xiligaan in Soomaaliya la soo faliyo agab militari xili Soomaaliya laga mamnuucay in saanadu Hub la keeno wadanka.

Related Items


Leave a comment