BTS: Ciidamo ku diriay madaxtooyada irideeda hore oo khasaro is gaarsiiyey

Sunday January 02, 2011 - 10:12:09
0 Comments
906
Super Admin
Wararka ay helayso BTS Online aya sheegaya in ugayan 3 ka mid ah askarta ay dhinteen halkaa dhaawaco intas ka badan yahay ayada oo ay isaga hor yimaadeen irida Madaxtooyada labo saf ciidankas


Sarkaal u hadlay ciidamada ayaa sheegay in rabshadani ay ka dhalatay kadib markii ciidamada gadooday aysan helin mushaarki ay la haayeen oo ay iska waayeen magacyadii la xaadiriyay ee askarta diiwaan gashan.

Xildhibaan ka mid ah xildhibaanada dowlada ayaa cambaareeyay falkaasi oo kusheegay mid ka dhashay maamul xumo iyo kalsooni daro lagu abuuray ciidamada kaas oo uu ku eedeeye Xaga maamulka sare ee ciidanka .

warbaahinta oo wareystay xildhibaanka ayaa waxa uu ku baaqay in saraakiisha ciidamadu ay ilaaliyaan sumcada ciidanka iyo xuquuqdooda sababtoo ah wixi maanta dhacay waxay dhagxumo iyo ceeb ku tahay ciidamada iyo guud ahaan dowlada Soomaaliya.

Ciidamada dowlada KMG ka ah ayaa wali umuuqda kuwo kala daadsan oo aanan ilaalinin sharuucda dalka iyo amaanka midna.

waxaa dhowr jeer sidan oo kale u dhacay iska hor imaad dhexmaray ciidamada gudahooda oo qasaaro nafeed dhaliyay kaas oo nqoday mid soo noqnoqda marka loo eego ciidama iska hor imaanayo aya soo badanya.



Related Items


Leave a comment