BTS: Dr Cismaan Gacal "John" ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey Bariga London

Sunday January 02, 2011 - 16:59:35
0 Comments
1533
Super Admin
Bahda Isboortiga magaalada London ayaa xaflad si weyn loo soo agaasimay ugu qabtey bariga magaalada London Gudoomiyaha ajaanibta gobalka Tuskaano ee dalka Talyaaniga mudane Dr.Osman John,kazoo soo gaarey magaalada London todobaadkii ugu dambeyey.

Xafladatan ayaa ka dambeysay booqashooyin ay is dhaafsadeen Ururka Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliyeed ee dalka UK iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalka Talyaaniga gaar ahaan magaalada Firenza.

Xaflada waxaa ka Hadley dad isboortiga Soomaaliyeed aad looga yaqaan oo degan dalkaan Ingiriiska, sida mudanayaasha kale ah Axmed Nuur Sayga ruushka iyo Cabdulqaadir Isoomareey oo ah madaxda Ururka Mideynta Qurbajoogta Isboortiga iyo marti sharaf kale duwan.

Xaflada ayaa ku soo dhamaatey farxad iyo guul ,islamarkaana waxaa ugu dambeyntii uga mahadceliyay dadkii ka soo qayb galey iyo kuwii soo agaasimayba gudoomiye Dr.Osman John.

Mudane Osman John ayaa ah shaqsi Soomaali ah oo wax badan oo aanan halkaan ku soo koobi Karin u qabtey jaaliyada Soomaaliyeed ee degan dalka Talyaaniga iyo gaar ahaan magaalada Firenza.


Kala soco sawiro waqtiyada soo socda ku saabsan Munaasabada Faraxa leh

Mr Yusuf Maxamed

Related Items


Leave a comment