Wafti ka socda Sudan ayaa booqday Xarumaha Caafimadka ee Caasumada Somalia Qaar

Tuesday January 04, 2011 - 19:16:52
0 Comments
1251
Super Admin
Wafti ka socda Wasaarada Caafimadka Wadanka sudan ayaa booqday Xarumaha Caafimadka Muqdisho Qaar sida hospital Madiina martiini

Wafdigaan ka socday wasaarad caafimaadka dalka Sudan ayaa waxaa hoggaaminayey Profeser Maxamed C/raxmaan Cabdalle waxaana la sacday wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumada Sooomaaliya Dr. Aadan Xaaji Ibraahim Daa’uud, ku xigeenkiisa iyo xuno kale oo ka socday wasaarad caafimaadka.

Xubnahaan oo ugu horreyn booqday Isbitaalka Madiina ayaa waxaa ay socad ku soo mareen qaybaha kala duwan ee Isbitaalaka oo xiligaasi ay jiifeen dhawacyo kala duwan oo qaar maanta ay ku soo dhwacmeen qarxyo ka dhacay degmooyinka Xamar Weyne iyo Xamar Jajab, waxaana war bixino siiyey Agaasimaha isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf oo tilmaamay in dhibka ugu weyn ee haysta uu yahay dhaawacyada oo iska soo daba dhacaya iyo dhaaqatiirta oo aad u yar.

Waxana intaa ka dib ay wafdiga uu tagay isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka Banaadir oo ay ka jirtay baahi weyn oo dhinacyada qalabka iyo Daawada ah, waxana war bixin ka siiyey wafuudaasi Agaasimaha isbitaaalka Dr Cabdi Risaaq oo sharraxaad ka bixiyay howlaha uu qabto Isbitaalku iyo baahida jirta.

Ujeedad booqashada waftiga ka socda wasaaradda caafimaadka dalka Sudan waxaa radio Muqdisho uga warbixiyay wasiiru Dowlaha Caafimaadka Dalkan oo yiri.

“Waftigaan ka socda dalka Sudan wuxuu hordhac u yahay jawaabta codsi ay wasaaradda caafimaadaku u dirtay dalka Sudan oo ahaa in ay Suudaan dowladda KMG ay ka taageerto dhinacyada Caafimaadka, booqashadanuna waa mid lagu qiimeynayo baahida caafimaad ee dalka ka jirta gaar ahaan Muqdisho”.

Wufuudda ka socotay Suudaan waxay ugu dambeyn booqashooda ku soo gabagabeeyeen Isbitaalka Martiini oo dhawaan dayactir lagu sameeyay isla markaana dhawaan dib u howl bilaabi doono hadii alle idmo.

Related Items


Leave a comment