Galmudug: bulshada Galmudug oo Cambaaraysay Dagaal beeleedka Bacaad-wayne

Thursday January 06, 2011 - 10:00:14
0 Comments
1783
Super Admin
bulshada galmudug ayaa si wayn u cambaaraysay Dagaalada Dib uga qarxay Deegaanada Bacaad-wayne ee gobolka mudug iyo deegaanada hoos yimaada

Waxgaradka ayaa sheegay in labada beelood ee dagaalku u dhaxeeyo ay gaarsiinayaan baaq nabadeed, waxayna ka codsadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku gaaraan xabadjoojin iyo in ay kala qaadaan maleeshiyo beeleedka isu hub aruursadey.

Odayaasha ayaa sheegay in aysan ku faraxsanayen jebinta heshiiskii hore ee beelahaasi sida kumeelgaarka ah loo kala dhex dhigay, kaasi oo fashil ku yimid, waxayna mar labaad ka codsadeen waxgaradka dhinacyadad diriraya in ay mar labaad qaataan nabadeyn iyo heshiis dhexdooda ah, iskuna dayaan in ay colaada soo afjaraan.

Hadalka Odayaasha galmudug ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa ku soo beegmaya xilli markale ay soo cusboonaadeen dagaal beeloodyo u dhaxeeyo beelaha wada dega deegaanada Bacaad-weyne iyo Camaara, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay halkaasi ku geeriyoodey ilaa iyo afar ruux halka dhaawacna jiray ka badan intaas.

Dagaal kaan ayaa ah mid soo noqnoqday mar kasta ay jiraan dhimasho iyo dhaawacyo laga dhaxlo ayada oo odayaasha Galmudug ay isku howlayaan sidii ay u qaboojin lahaayeen dagaalkaan ka soo cusboonaaday markale deegaankaas.

Related Items


Leave a comment