BTS: Dagaal khasaaro gaystay oo dad reer miyi ah ku dhex maray Deegaanka Xeraalle ee Gobolka Galgaduud

Friday January 07, 2011 - 10:14:25
0 Comments
1957
Super Admin
Wararka laga helayo Dagaal dad xoolo dhaqataa ku dhex maray deegaano hoos yimaada Xeraale ee Gobolka galgaduud ayaa sheegaya in ay dhinteen inta la og yahay ilaa 4 qof tiro intaas ka badana ay dhaawac ka soo gaaray dagaalka oo shalay galinkii dambe ka dhacay deegaankaas.

dagaalka ayaa bilawday kadib markii nin ka soo jeeda deegaanka Xeraale lagu dilay agagaarka tuulada Camaara taasoo sababtay in maleeshiyaad ka soo jeedadeegaanka Xeraale ay weerar qaadaan iyadoo dagaal fool ka fool ah uu dhexmaray labo maleeshiyo oo labada dhinac ka tirsan.

Dagaalka ayaa joogsaday xili gabal dhaca, iyadoo aan la kala dhexgalin labada maleeshiyo ee dagaalamay, balse waxaa waqti dambe goobta gaaray odayaal iyo masuuliyiin ka ambabaxay degmada Caabudwaaq si ay u kala dhexgalaan labada dhinac.

Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq oo horkacaya ergda nabadeed ayaa lagu wadaa in maanta ay kala qaadaan labada maleeshiyo ee is horfadhiya si looga hortago dagaal kale oo labada xoolo dhaqato dhexmara.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan ururka Ahlu Sunna oo deegaankaasi gacanta ku haya ayaa iyaguna goobtaasi gaaray si ay kala qaadista labada maleeshiyo uga qeybqaataan.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay deegaan ay abaaro ka jiraan iyadoo xiliyada abaaraha inta badan dagaalo dhexmaraan xoolaleyda oo ku murma dhul daaqsimeed iyo biyaha.

Dagaalka Xoolo dhaqatadaan ayaa ah mid soo noqnoqda marka laga eego dhulka miyiga ah ee inta badan rabshadu ka bilaabato daaqsinka xoolaha

Axmed Warabe

BTS Online

Related Items


Leave a comment