BTS: Dhalin yaro lagu xiriirinayo Hogaamiye loo lagu xirxiray Kismaayo

Friday January 07, 2011 - 10:21:14
0 Comments
1085
Super Admin
Xarakada Shabaab ayaa xabsiga dhigtay ilaa 20 dhalinyara oo ay ka qabqabteen magaalada kismaayo kuwaas oo ay la xiriirinayaan Hogaamyaha ka soo horjeeda ee Axmed madoobe

Wararka naga soo gaaraya Magaalada kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose ayaa waxaa ay ku waramayaan in galabta ciidamo farabadan oo ka tirsan Xarakada 21 dhalinyaro ah ay ka qabteen xaafadaha Farjanno iyo Guulwade oo kuyaala Bartamaha Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

21-ka ruux ee ay qabteen Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa lagu eedeeyay inay xariuir la lahaayeen Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe oo ka mid ah saraakiisha Raasgaambooni ee dagaalka kula jira ciidamada Al Shabaab ee kusugan gobolada Jubooyinka.

Dhalinyarada la xiray ayaa Al Shabaab waxaa ay isugu geeyeen xabsi kuyaala Magaalada Kismaayo waxaana gudoomiye ku xigeenka AL Shabaab Sheekh cusmaan Muudeey oo la hadlay warbaahinta Kismaayo uu sheegay inay socdaan baaritaano ay ku sameynayaan dhalinyaradaani.

Wararka laga helayo magaalada kismaayo waxaa ay sidoo kale intaasi ku darayaan in dad farabadan oo ay ku jiraan ehelada dhalinyarada Al Shabaab ay xireen ay hor taag taaganyihiin caawa saldhiga Alshabaab ay ku leeyihiin degmadaasi, waxaana qaar ka mid ah ehelada dhalinyarada la xiray ay beeniyeen in dhalinyaradooda ay xariir la leeyihiin Axmed Madoobe.

Hadal heynta ugu badan ee Magaalada Kismaayo ayaa ah caawa dhalinyarada faraha badan ee Al Shabaab galabta ay ku qabteen xaafadaha Farjanno iyo Guulwade ee Magaalada Kismaayo.

Ciidamada xarakada Shabaab ayaa sidoo kale magaalada Kismaayo waxaa ay ka wadaan howlgalo kale oo ay ku baadi goobayaan dad ay ku tuhunsanyihiin inay xariir la leeyihiin Axmed Madoobe.

Maamulada Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka ayaa aad uga feejigan Ciidamada iyo dhalinyarada uu abaabulayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe oo dhowr jeer Al Shabaab kula dagaalamay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Jubooyinka.

Related Items


Leave a comment