BTS: Wasarada maaliyada oo Rajo ka mujisay Miisaniyada Sannad 2011

Sunday January 09, 2011 - 10:28:43
0 Comments
988
Super Admin
Wasaarada maaliyada Dowlada Federalka KM ayaa Faahfaahin dheer ka bixisay Rajada iyo halka ay marayso hirgalinta Miisaniyad Sannadka .

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Xasan Aadan oo wareysi siiyey Warbaainta Muqdishu qaarkeed ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshaha ay Wasaaradu ku hirgelineyso Miisaaniyada sanadka 2011-ka, Waxa uuna intaa ku daray in Hey’adaha Dowladaha loo qeybiyay Dekominti uu ku qeexanyahay qorshaha Miisaaniyadda ee wasaarad kasta

“wasaarad kasta waxaan siinay Dikomenti u ku cadyahay habka isticmaalka Miisaaniyada Dowlada, iyada ayaana laga donayaa in ay hirgeliso iyadoo raaceysa nidaamka Dowliga ah” ayuu yiri wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliya Maxamed Xasan Aadan.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Miisaaniyadda Dowlada ee sanadka 2011-ka ay u hirgelidoonto si waafaqsan sidii ay wasaarada Maaliyadu u qorsheysay.

Barlamanka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyay Miisaaniyada Dowlada ee sanadka 2011-ka taas oo ay soo diyaarisay Wasaarada Maaliyada Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaarada maaliyada Dowlada ayaa rajadiisu tahay mid wax ka badalaysa xalka siyaasada Maaliyada SOmalia oo awal aanba la aqoon miisaaniyado saas u xeel dheer iyo dardarka hada ay wado maaliyadu.

MMC BTS Online Mogdisho.

Related Items


Leave a comment