BTS: Galkacyo oo seminar loogu soo gabagabeeyey Waxgarad iyo Odayaal dhaqameed

Wednesday January 12, 2011 - 11:31:09
0 Comments
922
Super Admin
magalada galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa siminar maalmo suconayey loogu soo gabagabeeyey Odayal iyo wax garad, Seminarka ayaa waxaa qabatay hay'ada INXA .

Simaanrkaani oo ku saabsanaa kor u qaadidda dib u heshiisinta iyo daminta colaadaha ayaa intii uu socday waxaa ka hadlay odayaal waxgarad iyo culama udiin kuwaasi oo dhamaantood sheegay in loo baahan yahay isla markaana ay muhiim tahay in lasii wado wadahadaladii nabada ee u dhaxeeyay maamullada Puntland iyo Galmudug

Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee maamulka Galmudug Xasan Faarax Barre oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qayb gashay kulunka ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Haya’da Inxa oo kulanka soo qabanqaabisay, isagoona sheegay in loo baahan yahay in la sii ambaqaado wadahadalladii labada dhinac si nabadda iyo daganaashaha Gobalka loo ilaaliyo. Taas oo oo uu sheegay in qofkasta looga baahan yahay inuu kashaqeeyo.


Dhinaca kale magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud waxaa lagu soo gabagabeeyey Aqoon Isweydaarsi ku saabsan maamulka oo loo qabtay Odayaal iyo masuuliyiin ka tirsan Culimada ASWj, kaas oo muddo 5 maalin ah ka socday magaalada Dhuuso Mareeb.

odayaal ka mid ah ka qayb galayaasha ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka faa’iideysteen wax badan oo ku saabsan maamulka intii uu socday siminaarkaan oo ay soo qabnqaabisay hay’ad maxalli ah.

MMC London

BTS Online

Related Items


Leave a comment