BTS: Old Boys iyo WPSC Manchester– oo ciyar saxibnimo ciyaray"SAWIRO"

Wednesday January 12, 2011 - 18:48:52
0 Comments
2883
Super Admin
Waxaa caawa garaoonka weyn ee Manchester city Acedemy s iweyn loogu soo dhaweeyey looguna dhigay ciyaar saaxiibtinimo Dhalinyarada kooxda WPSC-Manchester oo iyaku soo qaaday koobka kubada futsalka ee hirda-Holland.

Soo dhaweyntan oo aynu orankarno waxay ahayd mid aan hore uga dhicin magaalada Manchester oo lagu gudoon siinayey hadiyado iyo abaal marinno kala duwan dhalinyaradii koobka soo qaaday. Magaalada Manchester oo ay caan ku tahay horumarka ciyaarta kubadda cagta iyo soo saarista dhalinyarada da'da yar, ayaa waxaa u sii dheer in magaalada ay ka dhisan tahay kalaab Somaliyeed oo mar walba ku hawlan soo saarista ciyaartoyda tayada leh. Waxaa magaalada intaasi u sii dheer koox waaladdiin ah oo la magac baxday OLD-BOYS OF MANCHESTER uuna aasaasay rug caddaaga weyn ee sportiga qabiir, Garsoore FIFA Abdulkadir Caddaay.

Xafladdii soo dhaweynta kooxda Whitworth Park Sports Club oo ah Horyaalka Futsalka Jaalliyadaha Somalida Yurub deggan ayaa waxaa khudbaddii Furay Gudoomiyaha Kooxda Old Boys, isla markaana ah Guddoomiye ku xigeenka Jaalliyadda sportiga ee Greater Manchester Abdi kuus Said, ayaa wuxuu u hambalyeey dhalintan da'da yar ee ku soo guulaysatay horyaalka Yurub, wuxuu kaloo ammaan u soo jeediyey maamulka Kooxda WPSC ee uu ugu horeeyo Guddoomiye Fuad Osman, Maxamud Ingiriisi, Hassan Jabuuti Gurey, Amaddi, Mohamed Saalim, Mohamed Afey, Said Jeylaani, Ahmed Sinyoori, Mohamed Burco, Hussein Yare iyo la taliyahooda Abdulkadir Caddaay. Kadib waxaa halkaas ka hadlay dhamaan dadki sportiska soomaalida magaca kuleh ee joogay magaalada Manchester oo ay ugu horeeyey Captain PK, Hussein Xuska, Fuaad Osman, Macalin Laaska, Mahamud Ingiriis, Sharif Zeno iyo Ugaaska. Waxaa kaloo iyana goobta joogay kana soo qayb galay dhammaan taageerayaasha kooxda Old boys of Manchester.

Soo dhaweyntan ay sida habeysan uga soo wada shaqeeyeen kooxda Old Boys iyo WPSC ayaa ahayd mid loogu talo galay in ay u noqoto dhiiri galin dhilinyarada sportiska jeceyl oo dhan. Waxaana ka soo qayb galay dhamaan bahda weynta sportiska magaalada Manchester oo runtii ku faraxsanaa dhalinta koobka soo qaaday iyo habsamida abaabulkan iyo waliba ciyaarta saaxiibtinimo ee dexmartay kooxda Morgan Fc iyoOLD BOYS OF MANCHESTER ciyaartaas oo aad U xiiso badnayd waxay ku dhamaatay 5 iyo 4 oo badisku ku raacay kooxda Morgan FC.

Daawo Sawirada






Diyaariye Abdihakini

BTS Holland

Related Items


Leave a comment