BTS: Ciidamada Somaliland oo qabtay Afar nin oo qurbaha ha soo noqday Magalada Burco

Sunday January 16, 2011 - 11:34:33
0 Comments
2177
Super Admin
Ciidamda Boliiska Somaliland ayaa Xalay weeraray Guri ay ku jireen Nman Qor baha ka yimi Magalada burco kuwaas oo mudo qaar joogay Magaladaas .

Dadkan gacanta lagu dhigay ayaa la sheegeyay inay hadda ka hor ka soo baxsadeen wadamo dibeda ah isla markaasna la sheegey inay ciidamo cadaan ah oo diyaarad wataa ay dabagal ku hayeen.

Diyaarad ayaa habeenadan oo dhan dul haadeysey magaalada burco iyadoo si toos ah u soo abaartey guri ku yaala halkaasi oo la sheegey inay dadkaasi ku jireen,waxaana la sheegey in diyaaradaasi laga hagayey gudaha magaalada Burco.

Diyaarada ayaa la sheegey inay dhawr habeen magaalada burco gaar ahaan guriga dadkaasi ku jiraan dul duleysey,waxaana la aaminsan yahay in niman cadaan ah oo diyaaradaasi watey ay lug ku soo galeen magaalada burco halkaasi oo ay markii dambe si wada jir ay ay ciidamadaasi cadaanka ah & kuwa somaliland si wada jir ah dadkaasi uga soo qabqabteen gurigaasi 4 ruux.

Dadkan la qabtey waxaa ku jira nin hadda ka hor ka yimid dibedda ahaana mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda telesom ee magaalada Burco, Ninkan ayaa lagu magacaabi jirey Saleebaan good abees,waxaana lala qabtey laba nin oo marti u ahaa dibedda ka yimid kuwaasi ka soo baxsadey sida la sheegey dibedda lagana soo daba galay.

Burco BTS Online

Saciid Yare Dhulqas

Related Items


Leave a comment