BTS: Hindi xukuno kala duwan lagu riday Muqdisho ee Xarunta Somalia

Sunday January 16, 2011 - 11:50:59
0 Comments
938
Super Admin
Maxkamada ku taal magalda Muqdisho ayaa xukun Xarig iyo Ganax isugu jira ku riday Dad u dhashay wadanka hindia kuwaas oo ay dowladu ku eedaysay inay jabiyen qawaanin, nimankaan oo watay Dooni kana yimi markii la qabtay Magalada kismayo.
Nimankan maxkamada la soo taagey ayaa tiradoodu tahay 14 nin oo saarnaa dooni nooca xamuulka qaada ah oo laga lahaa wadanka Hindiya,waxaana la sheegey inay doonidaasi saarnayeen dhuxul.

Dawlada kmg ah ayaa hadda ka hor soo saartey wareegto lagu mamnuucayo rarista dhuxusha ee dalka dibediisa,waxaana dawlada kmg ah hadda ka kor sheegtey inay xabsi galin doonto cidii jabisa amarradaasi.

Nimankan ayaa lagu xukumay min hal sano oo xarig ah & doonida & dhuxusha oo labada lagu xukumay min 2 kun oo dollarka mareykanka ah,waxaana la sheegey inay nimankaasi ku takri faleen xaquuqdii degaanka soomaaliya.

Nimankan ayaa loo gudbiyey isla shalay xabsiga dhexe ee magalada Muqdisho halkaasi oo lagu hayn doonto ilaa inta ay iibsan doonaan amase dhameysan doonaan xukumadda lagu riday.

Islow Faarax Shirwac BTS online

Related Items


Leave a comment