BTS:Raisalwasare Farmajo iyo Codsiga Caalamka ee caawinta tirtirida Shabaab

Tuesday January 18, 2011 - 10:17:21
0 Comments
913
Super Admin
Mudane Farmaajo ayaa beesha caalanka ka dalbaday in ay ka taageerto burburinta iyo dabarjarka dowladu ku go'aamisay SHabaab in laga tirtiro Somalia

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo) oo booqasho ku jooga wadanka Maraykanka oo waraysi siinayay VOA ayaa sheegay in beesha Caalamka uu ka dalbanayo in ay ka gacan siiyaan sidii ay meesha ugu saari lahaayeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo sidii dowladda ay ula wareegi laheeyd guud ahaan wadanka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisa ay tahay mid ay beesha Caalamka ay rajo ka leedahay, wuxuuna sheegay in ay taageero balaaran ka filayaan si ay dalka ugu saaraan Al Shabaab, wuxuuna uu intaasi ku daray in in gudaha wadanka Soomalaiya ay ku sugan yihiin xoogag shisheeye oo uu tilmaamay inay ka yimaadeen dalal kale islamarkaana aan doonayan in ay nabad ka aslaaxdo guud ahaan Soomaaliya.

“waxaan rumaysanahay in aan haysano ciidamo iyo ciidamo kale oo caawinaya, mudiimadeena ugu wayn waxaa ay tahay in aan helno ciidamo meesha kasaara Shabaab iyo Al Qaacidda kuwaasi oo ku sugan Muqdisho islamarkaana halis ku ah amaanka gobolka geeska Afrika iyo dunida inteeda kale” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Farmaajo.

Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladiisa ay tahay mid aan ku lug lahayn musuq maasuq, isagoo tilmaamay in dowladda KMG Soomaaliya ay diyaar u tahay dadaalka dhinaca soo celinta nabada iyo kala dambeynta wadanka Soomaaliya.

Hadlka kasoo yeeray Ra’iisul wasaare Farmaajo ayaa kusoo beegmaya xili mudooyinkii dambe uu kulamo kala duwan la qaadanayay madax caalami ah oo kula suagan wadanka Maraykanka, kuwaasi oo ay ka wada hadleen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen xaalada faraha kasi baxaysa ee Soomaaliya.

salaad koobi

BTS Online

Related Items


Leave a comment