BTS:Koobka ciyaartooydii cuslaatey oo lagu qabtey magaalada Helsinki

Wednesday January 19, 2011 - 20:23:53
0 Comments
1324
Super Admin
Koobka ciyaartooydii cuslaatey oo lagu qabtey magaalada Helsinki

Koobka ciyaartooydii cuslaatey oo lagu qabtey magaalada Helsinki
Waxaa todobaadkii tagey lagu qabtey dalka Finland koobka qaboobaha ciyaartooydii cuslaatey oo ay ka soo qayb galayeen sanadkaan ilaa iyo lix kooxood,kuwaasoo kale yimid dalalka Denmark,England, Sweden
iyo dalka martida loo yahey ee Finland.
Kooxaha ka soo qayb galey waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Helsinki Vantaa maamulka ururka dhaqanka iyo Isboortiga Soomaalida dalka Finland ee loo yaqaan (SOCUS) kasoo uu
hogaaminayay gudoomiye Axmed Cabdulaahi (Imad)ayna wehliyaan mudane Cabdulqaadir Macalin (Qooje)Mudane Yaasiin Cali Raage (Yaska) iyo aqyaar kale oo farabadan,
kuwaasoo u galbiyay deegaan loogu talagaley martida iyo ciyaartooyda ka soo qayb gashey koobka ku nastaan inta uu socdo koobka Helsinki 2011.
Waxaana ciyaarahaan si rasmi ah u furey ciyaaryahankii weynaa ee kooxdii Muqdisho iyo xulkii Qaranka dalka Soomaaliya mudane Nuur Gaab oo si gaar ah ugu sharfeen maamulka gudiga qabanqaabada koobka.

Kooxaha ka soo qayb galeyna waxaa loo kale saarey labo qaybood si ay isku kale soo reebaan
Kooxaha A:
Kooxda Wembley London
kooxda Copenhagen
Kooxda SOCUS Finland
kooxaha B:
kooxda Southall London
Kooxda Stockholm Sweden
Kooxda SOCUS Helsinki
Wareegii koowaad waxaa la ciyaarey habeenimadii Jimcaha oo ay taariikhduna aheyd 14 Janaayo 2011,islamarkaana semifinalka u soo gudbey kooxaha kale ah:
Wembley London Vs SOCUS Helsinki
Southall London Vs SOCUS Finland
Waxaa hadane galabnimadii Sabtida markale lagu qabtey garoon weyn oo ku yaal bartamaha magaalada Helsinki ciyaarihii gababagabada koobka qaboobaha dhalinyrada cuslaatey ee Helsinki 2011,
run ahaantii ciyaarahaan waxay ahaayeen kuwo xiisa badan oo hadane ay ka soo qayb galeen ciyaaryahano caan ka ahaa kooxihii heerka koowaad iyo Qaranka dalka Soomaaliya iyo ciyaaryahano kale oo cuslaatey,kuwaasoo
ku soo bandhigay ciyaaro farsamadoodu ay aad u sareyso oo aan mararka qaarkood aad moodaysay inaysan jirinba wax ay isku reebanayeen sidii kooxba kooxda kale ugu badin laheyd islamarkaana
koobka sanadkaan u qaadi lahaayeen.
Ciyaaryahanadii sanadkaan ka soo qayb galey tartankaan waxay kale ahaayeen intii aan magacyadooda ka xusuusto ciyaaryahankii weynaa Nuur Gaab,Abdulahi Eenoow,Bile Ali,Ismaaciil Jamayka, Xuseen Abati,
Cali Hatley,Cumar Muuse, Cabdiqani Jeenyo,Oorso, Mustafe Farey,Xasan Dhuudhi,Cabdicasiis Faarax Kulmiye Low,Aweys Aider,Saydii,Abdiqani Sweden,Jamaal Madoobe,Abdulwahab dheere,Abdikarim,Abdi Fitig,
Maxamed Buuwe oo laga sheegay inuu ka soo mid ahaan jirey ciyaartooydii barisamaadkii heerka koowaad ee dalka Soomaaliya gaar ahaan kooxda Muqdisho (Baaldi aka .. ...)
Cabdi Caagane,Cumar Axmed Jama aka Dhagawayne,Cabdicasiis Godah,Cabdulahi Jabuuti,Sugale Siciid Saalax,Dahir Macalin,Jayte, Jujule,Daadoos,Maxamed Yaanyo, Ismaciil Wadan aka (barbaarta gashaaman Finland).
Waxaa iyana magaalada London ka yimid Yaasiin Diinoow,Cabdirisaq Muse,Cabdifitah Nonstop aka Jini, Cilmi Waaberi,Ahmed Tigaana,Faysal dheere,Cumareeta,Xasan Jaamac, macalin Osman iyo aqyaar kale oo farabadan.
Waxaa magaalada London iyo Stockholm ka yimid si ay goob joog uga noqdaan oo lagu martiqaadey siyaasiga sport Sheikh Abdidheeg xafidulahi iyo mudane Axmed Xasan maamulka ururka SSUF-aka Sweden
sidaa si lamid ahna waxaa yimadeen Helsinki fanaanka da'da yar Super Khaalid iyo DJ caanka ah
Cali Yare oo labaduba degan magaalada Stockholm islamarkaana ka tirsanaa ciyaartooydii u dheelaysay kooxda Sweden.
Waxaana ciyaartii finalka isaga hor yimid kooxaha kale ah Southall London iyo SOCUS Helsinki kuwasoo daaqada ka saarey kooxdii la islahaa koobka waxay kula noqon doonaan magaalada London ee Wembley.
Dadweyne aad u farabadan oo ka soo qayb galey ciyaarta finalka ayaa waxay labadana kooxoodba soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo ciyaar xamaasadeysan, balse guushii waxay raacdey kooxda SOCUS HELSINKI.
natiijadiina waxay noqotey 4goal iyo 2 goal, kooxda Southall oo dadaal dheer muujisey intii u socdey koobkaan ayaan dhihi karaa inay ahaayeen kooxdii ugu wanaagsaneyd madaama ay 6 qof oo kaliya ku
dheelayeen halka aan dhihi karo kooxda koobka qaadey ee SOCUS Helsinki koox tabaabusho badan u soo gashey sidii ay u hanan lahaayeen koobka qaboobaha sanadkaan 2011, madaama sanadihii hore oo dhan
ay la hoyan jireen guusha koobka xidigaha cuslaadey ee Wembley London.
Koobka waxaa sanadkaan qaadey kooxda martigalisey koobka qaboobaha dhalinyarada cuslaatey ee Helsinki lagu qabto bisha janaayo sanad walbo,madaama ay geed dheer iyo mid gaabanba ay u fuleen sidii
koobkan u qaadi lahaayeen, waxaana dhihi karaa mid ay istaahileen inay qaadaan, inkastoo laacibka Cumar Muuse oo ka tirsanaa kooxda Wembley uu digniin siiyay.
Mar aan su'aaley maamulayaasha koobkan mudane Imad iyo Qooje sababta loo qabto koobkaan ayay isheegeen inay ugu talagaleen dhalinyarada ka cuslaatey kubadda cagta iyo ciyaartooydii hore ee degan
dalalkan Yurub inay isku arkaan islamarkaana kaga baxaan stresska badan ee ka jirara wadamadaan, xaga garsoorkana waxaa maamulayay macalin GANEY iyo aqyaar kale oo farabadan.
Habeen kastana waxaa sheeko iyo madadaalaba lagu hayay hoyga martida ay deganaayeen, mar uu ka hadlay dareenkiisa sida uu u arko kulankaan ciyaaryahankii
hore ee kooxda Horseed number 11aad u xiran jirey Aweys Aider,
wuxuu yiri '' wax kale oo aan ku tilmaami karo ma jirto kulankaan oo aan aheyn waajiyaal is xasuustey oo kale, taasoo dhamaan dadkii meesha joogay ay aad ula dhaceen
docda kale hadaan eego iyo dhanka
caafimaadka dhalinta cuslaatey waxay u aheyd maalmo ay ku nastaan kuna bashalaan, ku soo xusuustaan waayo waayo iyagoo dib u soo gocdey waayo baden ay kale maqnaayeen, sheekooyinkii ugu qosalka badnaana
waxaa sheegay oo dadka oo dhami ku qoslayeen Xasan Dhuudhi, Xuseen Abati, Macalin Ganey iyo Axmed Tigaana

Halkaan ka daawo Sawirada Ciyaartowda

Download CIMG9847.JPG (101.6 KB)Download CIMG9842.JPG (118.3 KB)

Download CIMG9844.JPG (81.3 KB)Download CIMG9848.JPG (105.0 KB)

Download CIMG9842.JPG (118.3 KB)Download CIMG9843.JPG (110.6 KB)

Download CIMG9848.JPG (105.0 KB)Download CIMG9703.JPG (102.9 KB)

Download CIMG9706.JPG (99.0 KB)Download CIMG9709.JPG (102.2 KB)

Download CIMG9711.JPG (107.5 KB)Download CIMG9726.JPG (100.4 KB)

Download CIMG9586.JPG (102.6 KB)Download CIMG9650.JPG (81.1 KB)

Download CIMG9731.JPG (104.7 KB)Download CIMG9734.JPG (99.0 KB)

Download CIMG9707.JPG (89.9 KB)Download CIMG9624.JPG (93.9 KB)

Download CIMG9673.JPG (71.9 KB)Download CIMG9732.JPG (98.5 KB)

Download CIMG9740.JPG (89.3 KB)Download CIMG9753.JPG (95.9 KB)

Download CIMG9763.JPG (98.9 KB)Download CIMG9768.JPG (81.6 KB)

Download CIMG9775.JPG (84.3 KB)Download CIMG9791.JPG (81.1 KB)

Download CIMG9744.JPG (91.7 KB)Download CIMG9741.JPG (100.8 KB)

Download CIMG9797.JPG (83.1 KB)Download CIMG9803.JPG (96.4 KB)

Download CIMG9850.JPG (77.5 KB)Download CIMG9861.JPG (74.4 KB)

Download CIMG9846.JPG (107.5 KB)Download CIMG9761.JPG (102.3 KB)


Warbixino kale duwan iyo sawiro xusuus leh oo aan ka soo diyaariyey Finland ka filo qoraalada kale ee soo socda insha Allah
W/D: Yusuf Yusuf
SSPAMEDIA

Related Items


Leave a comment