BTS: Hogaamiye Osman Binladim ayaa wadanka faransiska ugu hanjabay in la dili doono muwadinin afduub loogu hayo meelo kala duwan

Saturday January 22, 2011 - 19:13:13
0 Comments
1343
Super Admin
Hogaamiyaha Ururka Alqaida Osama Bini ladin ayaa ugu hanjabay wadanka faransiska hadii uusan ciidankisa kala bixin Afganistan in la dili doono Muwadinin u dhalatay wadankas oo lagu hayo mid ka mid ah somalia
Sheikh Osama Bin laden, hogaamiyaha Shabakadda Al qacida ayaa cajalada maqal ah oo uu soo diray ku sheegay in laheysataayasha u dhashay wadanka Faransiiska ee lagu kala hesyso dalalka Somalia, Niger oo ku yaala gableedka Africa iyo dalka Afghanistan la qaarijin doono hadii madaxweynaha wadanka Faransiiska Nicolas Sarkozy uusan ciidamadiisa kala bixin wadanka Afghanistan.

Osam bin laden ayaa sheegay in cajadani maqalka ah ay tahay digniintii ugu dameysay ee Al qacida ay u jeedinayso dowladda Faransiiska, isagoo intaasi ku daray in hadii ay fulin weyso arinkaasi ciqaab dil ah ay mudan doonaan dadkaasi laheystayaasha ah ee u dhashay Faransiiska.

Ilaa 8 muwaadin oo u dhalatay wadanka Faransiiska ayaa iminka waxa ay gacanta ugu jiraan kooxo taageersan Al qacida oo ku kala suga Somalia, Afghanistan iyo Niger, Waxaana la rumeysan yahay in qabiir dhanka militariga oo u dhashay dalkaasi faransiiska u wali gacanta ugu jiro Shabaabka Soomaaliya.

5 kamid ah muwaadiniinta dalkaasi Faransiiska ayaa waxaa lagu heystaan wadanka Niger halka 2 kalena afduub ahaan loogu heysto wadnka Afghanistan.

Related Items


Leave a comment