BTS: Shufti badeeda somalida ayaa sii daysay markab iyo shaqaalihii saarnaa

Saturday January 29, 2011 - 19:06:32
0 Comments
1259
Super Admin
Sida ay xaqiijiyeey Ciidamda Ilaalada xeebaha habaynimadii sabtida waxaa markab iyo shaqaalihii saarnaa oo u kala dhashay dalal kala gadisay sii daayey burcada ka qaraabata xeebaha somalia .

Markabkan ayaa la aaminsan yahay inay burcad badeedu ka qaateen lacag baad ah oo madax furasho ah,waxaana la sheegey inay markabkaasi saarnayeen shaqaale garaya 28 u kala dhashay dalalka China & Taiwan.

Burcad Badeeda soomaaliyeed ayaa la aaminsan yahay inay qaadeen lacag badan oo madax furasho ah inkastoo aan wali la shaacin lacagta ay qaateen,waxaana madaxda dalkaasi sheegeen in markabkaas lagu sii daayey lacag madax furasho ah.

Waxaa cadaan ah in burcad badeedu ay lacag baad ah oo ka badan hal malyan oo badan ka qaateen markabkaasi & shaqaalaha saaran,waxaana la sheegey inuu markabkaasi saaka ka ruqaansadey xeebaha dalka soomaaliya isla markaasna ay dalkoodii u dhaqaaqeen

saadiq axmed BTS online

Related Items


Leave a comment