BTS: Deegaanka Kalshale oo xasiloon ka dib dagaal ka qarxay shalay Galinkii dambe

Monday January 31, 2011 - 11:47:59
0 Comments
1070
Super Admin
Deegaanka kalshaale oo ka tirsan Magalada Buuhoodle xarunta gobolka Cayn ayaa waxaa shalay galinkii dambe dagal ku dhex maray Beelo dagaanka daga iyo ciidamda Maamulka somaliland ee ku sugan deegaanka kalshaale.
Xaalada saaka ayaa la xaqiijinayaa inay degaankaasi degan tahay,waxaana laga cabsi qaba inay saaka mar kale fooda isdaraan kooxaha halkaasi ku dagaalamaya maadama ay gurmadyo kala helayaan.

Magaalada Buhoodle ayaa la xaqiijiyey inay la gaarsiiyey dhaawac 1 ruux oo dagaalkaasi ku dhaawacmay,waxaana la sheegayaa inuu dagaalkaasi sababay qasaare dhimasho & dhaawacba leh oo halkaasi ka dhashay.

Magaalada Qorilugud ayaa la shaaciyey in xalay la gaarsiiyey 5 ruux oo dhaawac ah kuwaasi oo lagu tilmaamay in gaari dagaal oo ay wateen lagu gubay,waxaana la sheegayaa in dhimashona jirto inkastoo aan la ogeyn inta dhimashadu leeg tahay.

Saaka waxaa degaanka Kalshaale ku soo qulqulaya gurmadyo ka kala imaanaya magaalooyinka Burco & Buhoodle, kuwaasi oo doonaya inay la kala saftaan kooxaha dagaalamayaa,waxaana laga cabsi qabaa in marka kale halkaas dagaalo qasaare keena ka dhashaan.

Cisman Ahmed Cali Bts Buuhoodle

Related Items


Leave a comment